Monday, August 31, 2026
War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi tiiraanyo leh loogu Diray ehelada,Asxaabta, qaraabada, iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, dadkii ku waxyeeloobay mashaqadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho taasi oo ay ku nafwaayeen tiro shacab ah. Madaxweyne Waare oo sii hadlay...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa booqday goobtii uu qaraxa ka dhacay shalay Isgoyska Zoobe iyo Isbitaalada la geeyay dadkii ku dhaawacmay. Madaxweynaha ayaa mid mid u gacan qaaday dadka ay dhaawacyada ka soo gaareen qaraxii shalay, isagoo u rajjeeyay in uu Alle uu bogsiiyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa goobtii qaraxa...
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa tacsiyeeyay weerarkii ay dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo gaadiid walxaha qarxa laga buuxiyay uu ku qarxay bartamaha suuqa Zoobe oo ah goob ahayd goob aad u mashquul badan. Madaxweynaha ayaa ugu duceeyay dadkii ku...
 Qaramada Midoobey ayaa cambaareyn kulul u jeedisay Qaraxii galaaftay nolasha dad badan oo Soomaali ah oo maalintii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Micheal Keatig Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho. Danjire...
  Waxaa saakay inta badan xiran jidadka muhiimka ah ee caasimada iyo goobaha ganacsiga, waxaana soconaya gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe. Wadada Maka Al-Mukarama ayaa meelo badan ka xiran, laga soo bilaabo Isgoyska Sayidka illaa KM4, sidoo kale wadada Wadnaha ayaa meelo ka mid ah...
  Wali waxaa ka soconaya Agagaarka halkii uu ka dhacay qaraxii shalay ee Isgoyska Zoobe gurmadka loo fidinayo dadkii ay wax yeeladu ka soo gaartay qaraxa. Meydadka tiro ka badan 5 ruux ayaa saacadihii hore ee saakay laga soo saaray gudaha dhismayaasha ku bur buray qaraxa oo wali la rumeysan yahay...
Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah oo ku aadan musiibadii shalay ka dhacday Isgoyska Zoobe, halkaasoo gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay. Madaxweyne Farmaajo oo xalay saqdii dhexe shir jaraa’id ku...
Iyadoo wali ay adag tahay in dhab ahaan la ogaado tirada rasmiga ah dadka ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa warar hor dhac ah oo soo baxaya waxaa ay sheegayaan in tirada dhimashada ay hadda kor u sii dhaafeyso 100 ruux Qaraxa oo ahaa mid lagu fuliyay...
                                  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo tagay halka uu ka dhacay Qaraxii xoogaana ee gil-gilay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wixii dhacay ku tilmaamay musiibo, isagoo dalbaday in si deg ah loo soo gaaro dadka waxyeelada gaartay. " Intii dhimatay Alla Ha'unaxariisto,...
 Qaraxan oo ahaa mid siweyn looga dareemay caasimada ayaa ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Wali si rasmi ah looma oga halka bartilmaameedu ahaa , waxaana soconaya gurmad xoogan oo loo fidinayo dad ay wax yeeladu soo gaartay. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee...