Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay in ay qabteen diyaarad nooca Drones -ka ah oo ay sheegeen in ay ku soo dhacday Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.
Warbaahinta Al-shabaab ayaa la sheegay in diyaaradan ku soo dhacday Buuraha Caalmadow ee Gobolka Bari durbadiiba halkaasi ay ka qaadeen xoogag ka tirsan Ururka...
Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Hooyada iyo Dhalaanka ee UNICEF ayaa sheegtay in 11-Milyan Carruurta reer Yemen ay la soo deristay xaalad tii ugu xumeyd ee dunida Guudkeeda ah, waxayna hay’adu cadeysay in haddii wax gargaar ah la gaarsiin caruurtaas ay qarka u saaran yihiin xaalada bani’aadanimo oo geeri...
Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wadahadallada lagu waddo in dalka Jabuuti ku yeeshaan mas’uuliyiinta maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca, isaga oo sheegay in kulanka labada dhinac lagu tilmaami karo oo kaliya Siminaar Aqoon kororsi ah.
Waxaa uu sheegay in shirkaasi uusan aheyn...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahe ee Seychelles ku booqday illaa 15 Maxaabiis Soomaali ah oo halkaas ku xiran.
Maxaabiista ayaa ku xukuman sanado, kaddib markii ay Maxkamad ku heshay dambi la xiriira burcad badeednimo, kuwaas oo laga soo qabtay Xeebaha Soomaaliya.
Yuusuf Garaad...
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya e Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Riyad uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada.
Waxaana kulanka ka qeybgalaya 41 waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyey...
Wajigii labaad Wadahadal u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo dalka Jabuuti, iyadoo halkaa ay gaareen maalintii shalay mas’uuliyiinta labada dhinac.
Magaalada Jabuuti waxaa ku sugan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey, hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh...
Boqolaal ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida oo isaga kala yimid Gobolada dalka Maraykanka ayaa soo buux dhaafiyay xaflada dhalashada Nebigeena Suuban (NNKH) kuwaas oo isugu jiray Culumaa’udiin,dhalinyaro,Haween iyo Caruur ay waalidkoodu la yimaadeen goobta si ay u baraan dhaqankii iyo Sunadii wanaagsaneyd ee Nebi Muxamed.
Culumaa’iinkii ka hadlay taariikhdii dhalashada...
Kulanka ay maanta yeesheen golaha amniga dowlad goboleedka Jubaland oo uu dhawaan magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa waxa ay uga doodeen arimo dhowr ah oo la xiriira amniga deegaanada Jubooyinka.
Kulanka oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Jubaland oo ah gudoomiyaha golehaasi ayaa looga dooday dhinacyada...
Daladda Midawga Dugsiyada Minnesota oo loo yaqaanno Minnesota Dugsi Association oo ah Dallad ay ku midaysan yihiin 14 dugsi Qur'aan oo ku yaalla gobolka Minnesota ayaa xaflad Qalin-jabin ah oo aad u qiimo badan ugu sameeyaya Minneapolis Convention Center 85 arday oo dhameysay barashada Qur'aanka Kariimka. Waana Qalin-jabintii lixaad...
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dilka labo Askari oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidamada xasilinta caasimada oo goor dhaw lagu dilay Isgoyska Sacna ee magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Askartan la dilay oo ku guda jira howlahooda shaqo soo weerareen ciidamo...

















