Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Stockholm, caasimadda dalka Sweden, ayaa xaflad casho sharaf ah oo soo dhaweyn ah waxa ay xalay ugu sameysay maqaayadda weyn ee Juba Restuarant Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan (Koofi) iyo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo ka howl-gala xafiiska madaxweynaha...
Hogaamiyihii hore ee Xarakadda Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Roboow Abuu Mansuur ayaa gaaray magaalladda Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo uu kulan kula leeyahay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed iyo dowladda Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur galbeed, ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in Mukhaar uu isku soo dhiibay ciidamada maamulka koonfur...
Laba qof ayaa ku dhaawacmay degaanka Xalin oo ka tirsan degmada Taleex, kaddib markii ay halkaa tageen howlwadeennada Kaararka codeynta doorashada Soomaaliland.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in qalalaase ka bilaawdeen dhawr goobood, kaddib markii ay soo gaareen in dad dhaawacmeen.
Kulamo ayaa socda sidii xal looga gaadhi lahaa...
Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa go’aan ka soo saartay dacwaddii xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle u soo gudbiyey ee uu kaga cabanayey in natiijadii codadkii xildhibaanadda ee doorashaddii gudoomiyaha golaha wakiiladda la is daba mariyey,isla markaana uu yahay gudoomiyaha golahaasi.
Maxkamadda sare ayaa sheegtay in aanay ka garniqi Karin muran golaha dhexdiisa...
Maxamed Faarax (Mo Farah) ayaa xalay ku guuldareystay inuu ku guuleysto billada dahabka orodka shanta kun ee mitir ee tartanka ciyaaraha Atlaletic-kadda adduunka.
Tartanka ayaa waxaa uu ka socday magaalladda London ee caasimada England.
Haddii uu xalay ku guuleysan lahaa waxaa ay u noqon laheyd tarkankiisii shanaad ee isku xiga ee...
Qarax ka dhacay magaalladda Quetta ee dalka Pakistan ayaa waxa ugu yaraan ku dhintay 15 qof halka 32 kalena ay ku dhaawacmeen.
Weerarka ayaa waxaa uu dhacay shalay oo Sabti aheyd, sida ay Police-ka sheegeen.
Madaxweynaha dalkaasi Pakistan Mamnoon Hussain, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka, waxaana uu yiri “Dhib kasta...
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu shaqaalleysiin doono ku dhawaad 1,000 qof oo dhallinyaro ah.
Md. Khayre, ayaa sheegay in uu dhawaan soo saari doono, warqad ku amreysa guddoomiyaha Gobolka in uu shaqaalleysiiyo dhallinyaro cusub.
“Dowladda Soomaaliya waxaa ay dadaal badan...
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee dhalinyaradda aduunka oo sanad walba la qabto 12-ka bisha Ogoosto oo ku beegeyd shalay.
Munaasabada ayaa waxaa soo qaban-qaabiysay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qayb...
Ayado mudoyinkii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobollada Jubooyinka kusoo badanayeen raashiinka waqtigiisu dhacay ee lagu iibiyo suuqyada ayay wasaaradda ganacsiga Jubaland soo saaray amar ay ku mamnuuceeyso in laga ganacsado raashiin waqtigiisii dhacay.
Fariis Jaamac Saleebaan, wasiirka wasaaradda ganacsiga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in...
Rasaas ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafaddaha ay ku badan yihiin taageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, kaddib ku dhawaaqistii xalay Uhuru Kenyatta in uu ku guuleystay doorashadii madaxweynaha shanta sano ee soo socta.
Gaar ahaan rabashadahan ayaa intooda badan waxaa ay ka dhaceen xaafaddaha Kibera iyo Mathare oo ah xaafaddo...


















