Weerarkii Al-shabaab ku Qadeen Deegaanka Buulo Guduud oo Dawladda Masar Cambaareysey.

0
598

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Masar, ayaa lagu cambaareeyay weerarkii shalay Al Shabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidanka dowladda ee ku yaalla deegaanka Buulo-Guduud ee duleedka Magaalladda Kismaayo.

Bayaanka dhinca kale waxaa lagu muujiyay in Masar ay ixtiraamayso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Masar, islamarkaana ay garab istaagayso shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Ugu yaraan 7 asari oo ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ku dhintay weerar ay Al-Shabab ku qaadeen deegaanka Buulo Guduud oo 30km dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Gobolka ayaa sheegay in Al-Shabab ay soo weerareen xeryaha milatariga ee Buulo Guduud iyaga oo adeegsanaya baabuur lasoo miidaamiyey.

Ururka Al-Shabab ayaa iyagu sheegtay inay qabsadeen xeradaasi isla markaana ay dileen 26 askari.

Xiriirka dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar ayaa ah mid soo jireen ah, waxaa sii xoojinaya Soomaaliya oo xubin ka ah ururka Jaamacadda Carabta oo xaruntoodi ku taalo magaalaad Qaahira ee Caasimadda dalkaasi Masar.

warsom2011@gmail.com