Tuesday, September 1, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti. Wafdiga ayaa waxaa si diirran usoo dhoweeyay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti Mudane Cabdi Youssouf Sougueh, Madaxa Djibouti Telecom Mudane Maxamed Cosoble Buuxe iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya...
Ugu yaraan 300 oo qof ayaa ku dhimatay magaalladda Freetown, ee caasimadda dalka Sierra Leone, kaddib robab xooggan oo daad ku fatahiyay magaalada sababayna inay guryo soo dumaan. Guryo ayuu daadku xaaqay, meydad badan ayaana lagu arkayaa waddooyinka magaaladaasi. Khasaaraha ayaa la filayaa inuu intaasi ka kordho, iyadoo loo maleynayo...
                      Roboow Abuu Masnuur, ayaa waxaa uu 10-ka bishii October ee sanadkii 1969-kii uu ku dhashay magaalladda Xudur ee caasimada Gobolka Bakool ee Soomaaliya. Waxaa uu kutubo ka raacan jiray masjidyo ku yaalla magaalladda Muqdishu, halkaas oo uu sidoo kale uu ku noolaa. Sanadkii 1990-kii ayuu Islamic Law uu ka soo...
                  Ciidamada booliska Magaalladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegay in mootooyinka Bajaajka ama Tuk-Tukleyda laga mamnuucay in ay ka dhex shaqeeyaan magaalladda. Taliska ayaa arrintaasi sabab uga dhigay arrimo la xiriira dhinaca ammaanka. “Iyadoo laga duullaayo qorshaha suggidda ammaanka Magaallada Baydhabo, waxaan mamnuucay mootoooyinka”, sidaasi waxaa yiri Taliyaha Booliska Gobolka...
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar “Geele” ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale dib loogu doorty shanta sano ee soo socta madxweynaha dalka Kenya. Madaxweyne Geelle ayaa ku baaqay ilaalinta sharciga ammaanka iyo xasiloonida Geeska Africa maadama ay ka jiraan inta badan xaalado...
                    Darawal Taxsiila ah oo gaarigiisa Qarax loogu xiray ayaa maanta waxaa uu kula Qarxay nawaaxiga Hotel Jazeera oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Magaalladda Muqdisho. Taxsiilaha ayaa la sheegay in uu u geeryooday dhaawac kasoo gaaray qaraxa, sida dad goob-joogayaal ah ay u sheegeen warbaahinta gudaha. Ciidamada ilaalada xarumaha QM iyo...
                          Canab Axmed Ciise Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, ayaa sheegtay in ay soo gaareen xildhibaanno mooshin ka wadda Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble. “Xildhibaanno gaaraya 53 xildhibaan, ayaa ku saxiixan mooshinka, kuwaasi oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka”, ayeey tiri Canab, waxaana hadalkeeda ay sii raacisay in qabashada...
                          Xubno ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka  Soomaaliya, ayaa dalka koonfur Africa kula kulmay xubno metelayay Wasaaraddaha Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ee dalkaasi. Wafdiga ayaa booqday Wasaaradda Gaashaadhigga iyo xarumo kale, iyagoona sidoo kale booqday xarumo ay ku keydsanyihiin taariikhda gumeystihii midab kala sooca. Wasiirkii hore ee Wasaaradda...
                    Ugu yaraan 17 qof ayaa dhimatay halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii weerar lagu qaaday Makhaayad ku taalla dalka Burkina Faso. Weerarka ayaa waxaa xalay qaaday koox islaamiyiin ah, sida uu sheegay wasiirka isgaarsiinta dalkaasi Remo Danjunou. Telfeshinka dowladda ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay dileen saddex kamid ah...
                        Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa hanaanka dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir. Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Gudoomiye Ku-Xigeenada, Xoghaya-Guud ee Gobolka, iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen dib-u-egiista Dastuurka...