Mucaaradka Dalka COLOMBIA iyo Xukuumada Dalkaasi oo Heshiis Xabad Joojin ah Gaarey.

0
235

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dowladda Colombia iyo mucaaradka Ciidamada Xoreynta Qaranka ee (ELN), ayaa gaaray heshiis ku dhisan xabbad-joojin, sida ku cad qoraal labada dhinaca ay soo saareen.

Dhexdhexaadiyeyaasha ka socday mucaaradka Ciidamada Xoreynta Qaranka ee (ELN) ayaa sheegay in heshiis xabbad-joojin ku meel gaar ah ay la saxiixdeen dowladda Colombia.

Madaxweynaha Colombia Juan Manuel Santos, ayaa sheegay in heshiiskan uu dhaqan geli doono 1-da October uuna socon doono ilaa 12 January.

“Mudnaanta heshiiska ayaa ah sidii loo difaaci lahaa muwaadiniinta, intii aan ku guda jirnay xiliga waxaa dhacay weeraro, lagu qaaday dhuumaha shidaalka, afduubyo iyo cadowtooyo kale oo bulshada saameysay”, sidaasi waxaa TV ka sheegay Madaxweynaha.

Dalka Colombia waxaa saacadaha soo aadan booqasho ku tegi doono Pope Francis.

Qoraalka ay barta Twitter-ka soo dhigeen, ayay ELN ku sheegeen: “Haa waan awoodnay! Waxaan u mahad celineynaa dhammaan dadkii nagu taageeray inaan gaarno heshiiskan xabbad-joojinta ah.”

Dad badan ayaa muuqaal wanaagsan u arkay heshiiska, waxaana labada dhinac ay ku taageerayaan go’aanka ku dhisan wadaniyadda ee shacabka lagu badbaadinaayo.

warsom2011@gmail.com