Xujayda Soomaalida ah ee ka timid wadanka gudihiisa ayaa eedeen u soo jeediyey dadka kaxeeya xujaydda oo ay sheegeen in ay lacag badan ka qaadeen, islamarkaana meelaha ugu hooseeya la dajiyo.
Xujaydan Soomaalida ayaa sheegay lacagta laga qaada iyo adeega iyo goobaha la geeyaa in aysan isku dhigmin, waxaana ay...
Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa xalay toogasho ku dilay Tima Jare degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Ninka Jima Jare ah ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdalla Saalim Sayid, waxaana uu ka mid ahaa dhalinyaradii soo laabatay Yemen.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in Saalim lagu hor dilay...
Magaalada Jowhar waxaa booqday maalin ka hor wafdi heer wasiiro ah oo ka socday xukuumada Soomaaliya, kuwaa oo wada hadalo la yeeshay mas’uuliyiinta sar sare ee maamulka Hirshabeelle kaddib xiisad ka dhalatay xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble.
Wafdiga tagay magaalada Jowhar oo uu...
Ciidamo isugu jira Cadaan iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ay sheegeen.
Deegaanka Bariire, ayaa waxaa uu dhacaa duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana weerar qorsheysan ku qaaday ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya oo...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalinta Axad ee berri ah lagu wadaa in ay booqasho rasmi ah ku tagaan dalka Masar.
Md. Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Masar C/fitaax Al-SiiSi.
Warqad kaso baxday safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Masar...
Booliska dalka Spain ayaa ayaa baadi-goob xooggan ugu jira qofka looga shakisan yahay inuu qaaday weerrarkii Barcelona.
Dad ka badan 10 qof ayaa ku dhintay weerarka halka ku dhowaad 100 kalena ay ku dhaawacmeen, sida dowladda ay sheegtay.
Waxaa uu boolisku baadigoobayaa nin lagu magacaabo Yoonis Abuu Yacquub, kaas oo ay...
Ciidamada Booliska dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuun dhanka dhimirka ah qabay, sida Soomaali ku nool dalkaasi ay sheegeen
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Xasan, waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa Soomaalida kunool Gobolka Washinton.
Falkaan ayaa ahaa mid aad looga naxay,...
Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Somaaliyeed ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Xawaadle in ay ka soo qeybgallaan kulan muhiim ah ugu danbeyn maalinta Isniinta ah.
Kulanka oo ka furmaya magaalada Beledweyne ayuu sheegay Ugaaska in lagu wargalinayo dhamaanba siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha in...
Wasiirrada Boostada iyo Isgaarsiinta ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti Eng. Cabdi Canshuur Xasan iyo Cabdi Youssouf Sougueh, ayaa si wada-jir ah u soo saaray war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay isku afgarteen labada dhinac.
Ujeeddada booqashada rasmiga ah ee wasiirka iyo wafdigiisa, oo afar cisho qaadatay, ayaa ahayd sidii loo xoojin...
Xaaladda deegaanka Xeraale ee degmadda Caabud-waaq, ayaa saaka deggan kaddib dagaal shalay ilaa xalay ka dhacay deegaanka.
Dagaalladii ka dhacay deegaanka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo xooggaga Ahlusunna.
Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ay guul darreysteen wadahadallo u dhaxeeyay labada dhinac, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday...


















