Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka dowlad goboleedka Jubbaland oo ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay masuuliyiinta Jubbaland in la musuqmaasuqay raashin gargaar ah oo loogu talagalay dadka ku dhibaateysan gobolka Gedo.
Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xildhibaanadan ayeey ku sheegeen in raashinka gargaarka ah ee la lusaday ay ku deeqeen dowladdaha Turkiga iyo Sacuudiga oo loogu talagalay dadka ku dhaqan gobolka Gedo iyagoo arintan ku eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland iyo ku-xigeenkiisa.
“Saddaxdii sano ee la soo dhaafayba deegaannada kala duwan ee gobolka Gedo waxaa ka jirtay abaar baahsan oo saameysay dadka duunyada, waxaa jirtay gargaar dowladdaha Turkiga iyo Sacuudiga ay ku deeqeen oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadkaasi dhibaateysan in ay musuqmaasuqeen mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland, gaar ahaan wasiirka wasaarada arrimaha gudaha iyo ku-xigeenkiisa’’ayey sheegeen in xildhibaannadan.
“Mar aan isku deynay arintan in aan kala hadalno maamulka waa naloo diiday waxaana ay inoo sheegeen in ay hayaan lacag dhan $120 kun oo doolar oo dadka ku dhaqan gobolka u qeybin doonaan, taasoo muujineysa ayey yiraaheen in la iibsaday raashinkii loogu-tagalay dadkaa dhibaateysan’’ ayaa raaciyeen hadalkooda.
Siddoo kale dadka ku dhaqan deegaannada gobolka Gedo ayeey sheegeen in ay wax gargaar ah ka hellin dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland intaba.
Dhinaca kale, xildhibaannadan ayaa cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay magaalada Beled-Xaawo oo ay geysteen xoogagga Al-shabaab, iyaga oo dhinaca kalana codsaday in sharciga la horkeeno dad mudo dheer ku jira xabsiyada degooyinka Beled-Xaawo, Luuq iyo Dooloow ama dib xoriyadooda loo siiyo, iyaga oo dhinaca kalana cambaareeyay dilkii afar maxbuus oo bishii July lagala baxay xabsi ku yaala degmada Beled-Xaawo iyaga oo aan maxkamad la horkeenin.
warsom2011@gmail.com










