Friday, August 28, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Saraakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa sheegtay in Rag ay ay u maleynayan in ay ka tirsan yihiin Xarakada AL-shabaab ay jareen Isgaarsiintii Magaalada Katulo ee Waqooyi Bari Dalka Kenya. Taliyaha booliska Wajeer  Stephen Ngetich,ayaa xaqiijiyay in niman hubeysan ay gantaal ku dhifteen dhismaha Laanta Sharikadda Safaricom ee Magaalada Katulo...
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo wafdi uu horkacayo oo maalintii shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay ujeedka halkaasi uu u tagay in ay qeyb ka tahay dhameystirka heshiiskii magaalada Gaalkacyo ay ku gaareen Maamulada Puntland iyo Galmudug. Taliyaha ayaa sheegay in meel gaba gabo ah uu marayo dhameystirka heshiiskii...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo oo maalintii shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in uu maanta xariga ka jaro Garoonka cusub ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland laga hergaliyay. Waxaa socta qaban qaabada munaasabada furitaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe, oo ay ka qeybgali...
Mdaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Garoowe halkaas oo uu kulamo wadatashi ah kula yeelanayo Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,...
Waxaa maanta si rasmi ah xilalkii loo magacaabay ula wareegay saddexda Wasiir ee wasaaraddaha Arrimaha Dibadda,Gudaha iyo Ganacsiga munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa. Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir ayaa lagu hor dhaariyay...
                    Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ,xilli maalmihii la soo dhaafay si weyn loogu diyaar-garoobayay soo dhaweynta isaga iyo wafdiga la socda. Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada kuwooda ugu muhiimsan ayaa wafdiga madaxweyne Farmaajo ku soo dhaweeyay garoonka...
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano, maamulka gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibedda. Axmed Ciise Cawad ayaa horay u ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka,...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Saakay dhagax dhigay Dugsiga hoose dhexe Xaawo Taako ee degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir. Dugsiga hoose dhexe ee Xaawo Taako oo ah dugsi qadiimi ah oo soo jiray tan iyo xukuumaddii Daakhiliga aheyd, ayaa markii ugu dambeeysay loo bixiyay halyeeyaddii Xaawo-Taako,...
  Madaxweyne Trump ayaa si xooggan u difaacay inuu caafimaad ahaan u qalmo inuu maamulo xafiiska uu ka taliyo, waxa uuna gaashaanka ugu daruuray buug dhawaan laga qoray oo isaga ku tilmaamaya inuusan maskax ahaan fadhiyin. Shir jaraa'id oo uu qabtay ayuu Mr Trump ku tilmaamay qoraaga buuggaasi Michael Wolff inuu...
Sideed Qof ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga in ka badan 84 kalena waa la soo badbaadiyay ka dib markii doon ay la socdeen ay ku degtay Xeebaha dalka Liibiya. Mas’uuliyiinta dalka Liibiya ayaa sheegay in Shilkan uu noqonaya kii ugu horeeyey ee sanadkan...