Shirkii ay lahaayeen Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Kuwa Dawlada Federaka oo Goor Dhaweyd Muqdisho ka Furmey.

0
525

Waxaa goor-dhow magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Amniga Qaranka oo u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxaana looga hadlayaa xaaladda guud ee Amniga dalka, waxyaabaha ka qabsoomay shirarkii hore iyo wixii aan qabsoomin.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  ayaa furay kulanka waxaana sidoo kale ka qeyb-galaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xassan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka, dhammaan Madaxda dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, La-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Muddada uu socdo shirka waxaa dib u eegid lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo ciidamada Xoogga, iyadoona la gorfeynayo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha xoogga la saarayo.

Shirka Amniga Qaranka waa madasha kaliya ee haatan ay si joogta ah ugu kulmaan madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

warsom2011@gmail.com