Thursday, August 27, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga la socda oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa goor dhaw u dhaqaaqay dhinaca magaalada Qardho ee gobolka Karkaar. Wariye Ibraahim Baafo oo la socda Wafdiga madaxweynaha ayaa sheegay in safar dhulka ah uu madaxweynaha ugu anbabaxay magaalada Qardho ee...
  Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar sagoo halkaas kula kulmi doona dhigiiisa dalka Masar Abdel-Fattah al-Sisi. Afwerki oo booqashadiisu qaadan doonto muddo labo casho ah ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan al-Sisi xiriirka labada dhinac iyo arrimihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay...
 Shirka Wasiiradda Qorsheynta ee Wadamada Carabta ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in uu ka furmo dalka Kuwait. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Somaaliya Jamaal Maxamed Xassan oo shalay gaaray Kuwait ayaa Soomaaliya uga qeybgalaya shirkan, waxaan garoonka diyaaradaha dalkaasi ku soo dhoweeyay Agaasimaha...
  Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xiisada u dhaxeysa Maamulka Puntland iyo Somaliland, taasi oo dhawaan soo xoogeysatay, kaddib markii ciidamo ka kala tirsan labada maamul ay ku dagaalamaneen degaanka Tukaraq. Gaas ayaa sheegay 8-dii bishan ciidamo laga soo abaabulay sida uu hadalka u dhigay magaalada...
Dagaalkan ayaa bilaabmay saakay aroortii hore kadib markii ciidamada Somaliland ay Dhababoco ku jiidheen kastamka Puntland oo qiyaasta 48Km. bari kaga quman magaalada Laascaanood. Sida ay WARSOM u sheegeen dad ku sugan Magaalada Tukaraq ciidamada Somaliland waxa ay dhinaca Bari u dhaafeen iyagoo dagaalo teelteel ah ciidamo Puntland ah oo...
Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaliya ayaa xal ka gaartay khilaafkii ragaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Hoggaanka Rugta Ganasiga Soomaaliya iyo kan Gobolka Banaadir. Arrintan ayaa looga dhawaaqay munaasabad ay maanta xilalka kula kala wareegayeen Wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga Khadra Axmed Ducaale iyo Wasiirka cusub ee wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir...
                        Hodan Xasan oo ka mida Jaaliyadda Soomaaliyeed ee in mudo ah daganaa dalkaan Maraykanka gaar ahaan gobolka Minnesota ayaa habeenimadii xalay isku soo taagtay Doorashada Kursiga xildhibaanimo ee xaafada 62A oo ka mida xaafadaha ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ay aad u dagan yihiin. Xaflad lagu daahfuraayey Doorashada ama tartanka...
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah furay garoonka diyaaradaha Garoowe oo loogu magac-daray Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe. Munaasabada Furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin faro badan oo ka kala socday dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed...
Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan tababarka iyo la-talinta ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si ay u qaataan mas’uuliyada amniga dalka, kahor inta aysan ka bixin dalka. Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo ayaa sheegay in...
Dalka Sudan waxaa ka dhacaya banaanbaxyo looga soo horjeedo qiimaha rootiga oo kordhay taasoo ay dadku aad uga cabanayaan Waxaana meesha ka baxay lacago ay dowladda ku kabi jirtay iibka rootiga ka dibna waxaa cirka galay lacagta lakala siisto rootiga Banaanbaxyadan ayaa ka bilowday goboladda Koonfurta waxayna markii dambe ku sii...