columbus
Xaflad Cashaa oo lagu soo dhaweynayay Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamigaa ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xalay lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka.
Waxaa soo abaabulay xafladan urur siyaasi ah oo ka dhisan gobolka Ohio laguna magacaabo ( New American Political Action Committee ) waxaana xaflada...
Waxaa soconaya dadaal ballaaran oo dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii loo soo badbaadin lahaa tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan qeybo ka mid ah dalkaasi Libiya, kuwaa oo muddo dheer u xirnaa kooxo Magafayaal ah oo ka ganacsada dadka.
Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Ambassador Ali Siciid Fiqi oo muddooyinkaan dambe...
Saraakiisha Booliiska gobolka Isiolo ee Waqooyi Barri Kenya ayaa sheegaya in ay gacanta ku dhigeen gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo ka yimid dhinaca gudaha dalka Soomaaliya.
Waxaa ay sheegeen maamulka gobolkaasi in ay la socdeen dhaqdhaqaaqa gaarigaasi tan iyo markii uu kasoo baxay gudaha Soomaaliya.
Gaariga ayaa waxaa saarnaa...
Itoobiya ayaa looga dhawaaqay xaalad deg deg ah kaddib markii maalintii shalay uu xilka iska casilay ra’iisal wasaarihii dalkaas soo xukumayay Shantii sano ee u danbeysay Hailemariam Desalegn.
Tallaabada ayaa waxaa ku dhawaaqay golaha golaha wasiirada Jimcihii maanta sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda, waxaana ay qaadan doontaa xaaladan deg...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib dalka ugu soo celin doonto Carruur ka mid ah tahriibayaasha ku dhibaateysan dalka Liibiya.
Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf oo ah Ergayga gaarka ah ee xukuumadda Soomaaliya u qaabbilsan Xuquuqda Tahriibayaasha oo ka mid ah wafdi ay dowladda Federaalka u dirtay halkaasi oo safar...
Ilaa saddex macalin ayaa lagu waramayaa in lagu dilay weerar kooxo la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ku qaadeen Qarsa Primary School oo ku yaala degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Macalimiinta la dilay ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen Nin iyo Xaaskiisa.
Sidoo kale...
Wiil 19 ah oo lagu eedeeyay inuu toogasho ku dilay 17 arday oo wax ka baranayay dugsi sare oo ku yaalla gobolka Florida ayaa Khamiisti lasoo taagay maxkamad.
Nikolas Cruz, oo isagoo xiran dharka maxaabiistaa islamarkaana gacmaha ka xiran kasoo muuqday maxkamdda ayaa dacwad oogayaashu ay u sheegeen in uu...
Kumannaan qof ayaa isugu soo baxay iskuulka ay toogashada ka dhacday ee ku yaala magaalada Parkland ee gobolka Florida.
Dadkan oo watay shumacyo iyo waxyaabo kale oo ay ku muujinayaan siada ay ugu xunyihin dhibaatada halkaasi ka dhacday.
Dhinaca kale maalin kaddib markii weerar lagu qaaday meel iskuul ah oo ay...
Shirka sanadlaha ah ee looga hadlo ammaanka ayaa maanta gelinka dambe ka furmi doona magaalada Munich ee waddanka Jarmalka, waana shirka ugu ballaaran ee noociisa dunida ka dhaco.
Hogaamiyayaal, wasiir heer sare ah iyo dadka siyaasadaha dajiyo ayaa waxa ay isla qaadaa dhigi doonaan dhibaatada ka taagan waddanka Suuriya, heerka...
Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay rag hubeysan oo Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka duhurnimadii shalay ku dilay Isgoyska Baar-ubax oo ku dhow Agagaarka Masjidka Xareed.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Xildhibaa oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay ragga dilka ka dambeeyay in ay ahaayeen...


















