Dagaal uu Horkacayo M/weyne Farmaajo kana Dhan ah Al-shabaab oo ka socda Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

0
503

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Ururka Al-shabaab iyo weerar lagu qaadayo deegaannada ay uga sugan yihiin qeybaha kala duwan ee dalka.

Wasiirka Difaaca dowladda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu noqonaya mid ka duwn yihiin hore.

‘’Howlgalkan wuxuu noqonayaa mid ka duwan kuwii hore, waayo waxaa hor kici doona madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo’’ayuu yiri Wasiirka difaaca.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay jiraan ciidamo loo diyaariyay in ay suggaan Amniga goobaha laga qabsado Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa wasaaradda difaaca halkaasi uu ka waday dib u habeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

warsom2011@gmail.com