Thursday, August 27, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

                      Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor uu xilkii uu hayay iska casilay ra'iisal wasaarihii dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn. Waxa uu sidoo kale Desalegn uu ka tagay guddoomiyannimadii xisbiga talada haya ee Itoobiya ee EPRDF. Iscasilaada ra'iisal waaaraha ayaa imaneysa iyadoo dalka...
Madaxa caddaalada ee dalka Koonfur Afrika, Mogoeng Mogoeng ayaa xilka madaxweynaha ee dalka Koonfur Afrika u dhaariyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi, imikana ah madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa. Barlamaanka dalka Koonfur Afrika oo kullan ku yeeshay magaalada Cape Town ayaa Cyril Ramaphosa u doortay inuu noqdo madaxweynaha dalkaasi. Mr...
Doorasho siweyn isha loogu wada hayay oo ah kursigii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore ee Howlaha guud Cabaas Siraaji oo maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku soo baxay Maxamuud Siraaji oo la dhashay marxuumka geeriyooday. Maxamuud Siraaji ayaa ku soo baxay 50 cod guud ahaan marka la eego...
Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Aweys Shikhey laakiin heysta dhalashada dalka Netherland ayaa la soo taagay maxkamad ku taal magaalada London iyadoo loo haysto dambiyo kala duwan. Waxaa uu ku eedeysan yahay dambiyo ay ka mid yihiin inuu lacag gaareysa £10,000 uu Bangiga Barclays Bank si been ah ugaga amaahday...
  Ra'isul wasaaraha dalka Thailand Prayuth Chan-ocha ayaa soo saaray hees cusub , taas oo lagu baahiyay barta Youtube-ka. Dad badan ayaa waxaa ay u qaateen in heestan in loogu talo-galay maalinta jacaylka oo ku beegnayd shalay oo ahayd 14-ka bisha Feberaayo. Balse afhayeen u hadlay militariga dalkaas xukuma ayaa meesha ka...
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ee maalmihii ugu danbeeyayba howlgalada ka wada gobolka Shabeellaha hoose ayaa shegay in ay ku qabteen deegaan ka tirsan gobolka gadiid la doonayay in lagu diyaarinayo walxaha Qarxa. Deegaanada ay ciidamada howlgalada ka sameeyeen ayaa waxaa ka mid ahaa Aw-dhegle, Mubarak iyo Dar Salam. Gaar ahaan howlgalkan...
Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ay ka dhacdo doorashada kursi ka mid ah golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo banaanaa. Kursiga Golaha Shacabka ee lagu tartami doono ayaa waxaa horey ugu fadhiyay Allaha u naxariistee Marxuum Cabaas C/laahi...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wadahadalka maalamahan socda ee u dhaxeeya Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya iyo Jabhada lagu magacaabo ONLF. Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay wadahadal kasta oo keenaya Nabad, Xasilooni iyo Wanaag in ay...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ay waheliyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dalka France u qaabilsan Soomaaliya, Antoine SIVAN iyo wafti uu hogaaminiyo. Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,...
 Dowladda Ethiopia ayaa shalay xabsiga ka sii deysay Bekele Gebre oo ah hoggaamiye sare oo mucaarad ah, sidoo kalena laashay dhammaan eedihii loo haystay. Bekele Gebraoo ah xoghayaha guud ee ururka Oromoda OFC, ayaa dowladdu ay xabsiga dhigtay bishii Dec 2015-kii, kadib markii ay qarxeen dibaxbaxyo ka dhacay gobolka Oromada. Warbaahinta...