Wednesday, August 26, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka kala tirsan dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya oo kulan ku yeeshay magaalada Mandera ee gobolka waqooyi Bari, ayaa isku afgartay in la joojiyo dhismaha darbiga dowladda Kenya ay ka dhisneyso xudduuda. Labada dhinac ayaa isku afgartay in la soo celiyo degenaanshihii, islamarkaana la joojiyo darbiga Kenya dhiseyso,...
Madaxweynihii hore ee dalka South African Jacob Zuma ayaa looga yeeray maxkamad si uu u wajaho 6-da bisha April dacwad isaga ka dhan ah oo la xiriirta musuqmaasuq,booliska ayaa sheegay in warqada u yeerista Zuma la soo saaray Isniinti shalay. Xafiiska Dacwad-oogayaasha qaran ee South Africa ayaa horraantii bishaan sheegay...
  Rag hubeysan ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dileen mid ka mid ah dhalinyarada degmada oo si weyn loo garanayay, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka. Ninka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mayoow Cabdullaahi Xusseen, kaasi oo ay da’diisa u dhaxeysay...
Munaasabad lagu saxiixayay heshiiska midowga Labada Baarlamaanka ee Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa lagu qabtay degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kala saxiixday heshiiska isku darka labada Baarlamaan, kaasoo ka dhigaya tirada Baarlamaanka Galmudug kan ugu ballaaran...
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Abdulkadir Ahmed Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi. Kulanka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin heshiiska shirkadda DP World ee dekedda Berbera iyo arrimaha sharci ee ka...
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey)  ayaa si wadajir ah xariga uga jaray xarun cusub oo uu yeelanayo Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka,waxaana munaasabada xariga jarka goob joog ka ahaa...
Guddi Xildhibaanno ah oo ku shiray xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdishooo la baxay guddiga Badbaadda baarlamaanka ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey in uu la saftay Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari. Xildhibaannada oo tiradooda lagu sheegay 100 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominayay...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay labo Qarax oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in ugu yaraan Labo ruux ay ku dhinteen qaar kalana ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay Xaafadda Oodweyne ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayuu sheegay...
                    Shacabka dalka Masar ayaa maanta u dareeray goobaha cod bixinta si ay usoo doortaan madaxweynaha hogaamin doona dalkaasi. Musharixiinta u tartameeysa xilka madaxtinimo ee dalkaasi waxaa kamid ah Madaxweynaha talada dalkaasi haya Cabdul Fataax Al-Siisi. Doorashada intii aysan bilaaban ayaa waxaa tanaasulay laba musharax, waxaana isugu soo haray Madaxweynaha talada dalkaasi...
                        Bandhig dhaqameed ay soo qabanqaabiyeen ururka ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa lagu qabtay magaalada Ankara, ayadoo ardeydu ay soo bandhigeen qaar kamid ah waxyaalaha ay hidaha iyo dhaqanka u leedahay Soomaalida. Ardeyda oo kaashaneeysa xafiiska deeqaha waxbarashada ee dalka Turkiga iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ayaa sanadkiiba mar qabta...