Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlaya xiisada ka taagan magaalada Beledxaawo ee la xiriirta xudduuda labada dal, si loo dhameeyo khilaafka ka taagan.
Guddiga difaaca Baarlamaanka ayaa sheegay kulan ay la qaateen ra’iisul wasaare Khayre looga dooday xaalada ka jirta degmada Baled-Xaawo iyo xad gudubka lagu eedeynayo Kenya....
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdala Cawad ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu ugu jawaabay qoraal ka soo baxay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudey.
Ku-xigeenka koowaad ee golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey ayaa shaaciyay in 31-da bishan maalinta Sabtida ah uu qabsoomi...
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa shaaca ka qaaday in 31 bishan uu qabsoomi doono kulanka looga doodayo Mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Jawaari.
Waxaa uu sheegay in kulankaasi uu ka dhici doono xarunta Golaha Shacabka, islamarkaana uu xildhibaanada ka codsanaayo in ay soo xaadiraan.
Akhriso Qoraalka ka soo...
Guddiga Aqalka Sare oo maanta soo saaray Baaqoodii labaad ee xalinta khilaafka ka dhex taagan Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday in ay lama huraan tahay in la qabto codeynta mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Akhriso Qoraalka ka soo baxay Golaha Aqalka Sare :
...
Dibad baxaan oo ay ka qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada, sida ururrada haweenka, dhalinyarada, ardeyda iyo masuuliyiinta maamulka degmadaasi ayaa dadkii ka qeybqaadanayay waxay ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ay uga soo horjeedaan darbi ay dowladda Kenya ka dhiseeyso Soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan degmada Baladxaawo.
Shacabkii ka hadlay...
Dagaalyahannada fallaagada reer Suuriya iyo qoysaskooda ayaa billaabay in ay ka baxan saddex magaalo oo ku yaalla bariga Quuda, waxayna u qaxayaan gobolka Idlib oo ah halka ay ku xooganyihiin.
Daad gureynta dagaalamayaasha mucaaradka ayaa qeyb ka ah heshiis uu garwadeen ka yahay Ruushka oo lagu samata bixinayo mucaaradka.
Boqolaal qof...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wehliyaan ku-xigeenkiisa labaad Mahad Cawad Cabdalla iyo Xoghayaha Baarlamaanka iyo xildhibaanno ayaa kulan kula qaatay Xerada Xalane Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Fransico Madiera iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.
Kulanka oo ahaa mid waqti badan qaatay ayeey...
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlay xiisada ka taagan degmada Beled-Xaawo iyo darbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso xudduuda ayaa sheegay in arintaa go’aan siyaasadeed laga qaadanayo.
‘’Marka hore xudduuda wax la qaldi karo ma’aha, Soomaaliya iyo Kenya-na waxaa ay wadagaan xad dheer oo laga...
Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in ay kulan la yeeshaan Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh C/raxmaan Mursal.
Kulankan ayaa diirada lagu saari doonaa arrinta la xiriira xiisada ka taagan magaalada Beled- Xaawo iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Sidoo kale...
Xildhibaannada Aqalka sare ayaa kulankoodii maanta dood adag ka yeeshay xiisada ka taagan degmada Beled-Xaawo ee u dhaxeysa bulshada ku dhaqan degmada ciidamada Kenya.
Xildhibaannada Aqalka sare qaarkood ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dhibaato weyn ku heysto Shacabka ku nool degmada Baled-Xaawo, islamarkaana xukuumadda Soomaaliya aysan waxba ka qaban.
Waxaa...


















