Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka Sida ayaa mar kale xukun dil ah ku riday Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxammed oo horay dil ugu soo xukuntay Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Sida.
Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed ayaa 18-kii bishii Janaayo ee sanadkan gudaha Dekadda Muqdisho ku dhex dilay taliye...
jaaliyada toronto
Waxaa malinta Sabtida ee taariikhdu aheyd April 7, 2018, lagu qabtay Iskuulka Kipling Collegiate Institute ee ku yaalla magaalada Toronto shir balaaran oo ay kasoo qayb galeen dad ku dhow 600 qof ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan magaalada Toronto iyo nawaaxigeeda.
Shirkaas oo ay soo abaabuleen guddi ka kooban...
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey ayaa goor dhaw xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya u akhriyay warqad is casilaad ah oo ka timid guddoomiyihii Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.
Xildhibaannada oo maanta u balansanaa in ay ka doodaan mooshinka ka dhanka ahaa guddoomiyaha ayaa mar kaliya ka war helay qoraalka...
War goor dhaw soo gaaray Warbaahinta Warsom ayaa sheegaya in uu mar kale dib u dhac ku yimid kulan lagu waday in maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeelan lahaayeen xildhibaanka Baarlamaanka.
Warkan oo soo baxay daqiiqado ka hor ayaa sheegaya in xildhibaannada Baarlamaanka oo isku diyaarinaya kulankan lagu war-galiyay in...
Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay saq dhexe xiray wadooyinka waa-weyn ee magaalada Muqdisho, maadaama maanta lagu balansan yahay kulanka Baarlamaanka.
Sida ay Warbaahinta Warsom u sheegeen qaar ka mid ah dadkii ku lugeeyay qeybo ka mid ah magaalada waxaa lagu arkayaan ciidamo aad u hubeysan oo dadka iyo...
Waxaa xarunta Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka lagu gudoonsiiyey Shahaadada Xisbinnimo seddax Xisbi siyaasadeed oo soo buuxiyey sharuudaha ka mid noqoshada xisbiyada siyaasadeed.
Furitaanka xafladda waxaa Aayadaha Qur'aanka Ku Furey Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuquraadiyada Salaad Cali Jeelle,Sidoo kale Waxaa hadalo soo dhaweyn iyo ujeedada kulanka ka soo jeediyey...
Iyadoo maalmihii aynu soo dhaafnay dadka iyo gaadiidleyduba dhibaato weyn ku qabeen xirnaashaha jidadka magaaalada Muqdisho ayaa waxaa soo ifbaxdaya yidiilo ay muujinayaan dadweynaha iyo gaadiidleyda intaba kaddib markii la qaaday ciidamadii ku sugnaa Isgoysyada magaalada Muqdisho dibna loo furay dhamaanba jidadkii u xirnaa Amaanka dartii.
Qaar ka mid ah...
Inta la xaqiijinayo Saddex ruux ayaa ku dhimatay tiro ka badan 20 ruuxna waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii nin gaari xawli ku socda wata jiirsiiyay magaalada Muenster ee galbeedka dalka Jarmalka dad maqaaxi ku sugnaa.
Saddexda ruux ee dhimatay ayaa mid ka mid ah waxa uu yahay darawalkii waday...
Waxaa guud ahaanba laga saaray fariisimihii ay ku lahaayeen bartamaha magaalada Muqdisho ciidamadii xasilinta ee bilihii ugu danbeeyayba ku sugnaa isgoysyada magaalada, waxaana badalaya ciidamada oo fariisimahoodii la wareegaya ciidamo Booliis ah.
Lama oga sababta keentay in laga raro ciidamada xasilinta oo isugu jirey ciidamo milatari ah iyo kuwo nabad-sugid...
Waxaa muuqanaya in hadda baadi goob loogu jiro sidii loo qaboojin lahaa xiisad siyaasadeed todobaadyadii ugu danbeeyayba ka dhax aloosneyd xildhibaannada Golaha Shacabka kaddib guddiyo shalay loo saaray xal u helida khilaafka.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tan iyo xalay kulamo kala duwan waxaa uu la lahaa guddiyo...


















