Tuesday, August 25, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dallada ay ku mideysan yihiin ururrada bulshada rayidka ee SOSCENSA ayaa ugu baaqday Baarlamaanka Soomaaliya in muddo 15 cisho gudaheed lagu soo doorto guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaddib markii uu is casilay guddoomiyihii golaha Prof Maxamed Cismaan Jawaari. Akhriso Warka ka soo baxay Dallada Bulshada rayidka : Dallada Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA oo...
Waa markii ugu horeysay oo sarkaal ka soo goostay Al-shabaab si muuqata lacag loo guddoonsiiyo, kaddib markii maamulka Koonfur Galbeed lacag dhan $ 15 Kun oo dollar guddoonsiiyay Maxamed Xassan Aadan Sandheere oo horay uga tirsanaa Al-shabaab. Munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo ayaa lacagtan...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil-Xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka iyo qooysaskooda oo maanta ay ku beegantahay sannad guuradii 58-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay. Madaxweynaha oo kala qeybgalay munaasabadda xuska maalintan cutubyo ka tirsan...
Guddoomiyihii Golaha Shacanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si rasmi ah maanta oo Khamiis ah iscasilaadiisa ka hor sheegay xildhibaannada Golaha Shacabka kaddib khudbad uu ka hor jeediyay Golaha, Akhriso Qoraalka khudbadii Jawaari    warsom2011@gmail.com
Magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya waxaa maanta lagu qabanayaa Munaasabadda lagu xusayo 58-guuradii ka soo wareegatay Aas aaska Ciidamada xoogga dalka oo la dhisay 12 April 1960kii Diyaar-garoowga munaasabadda ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay. Ciidamada xoogga dalka ayaa la filayaa inay munaasabadda maanta ka dhaceysa...
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta  Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay abuurtay xiisad aan loo baaheyn, kaddib markii axadii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay mid ka mid ah diyaaradaha Imaaraadka Carabta oo siday lacago mallaayiin doollar ah. Waxaa uu ku eedeeyay dowladda hada jirta inay...
Guddoomiyaha xilka laga casilay ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta markii ugu horeysay tan iyo wixii ka danbeeyay khilaafkii siyaasadeed ee soo kala dhax-galay golayaasha dowladda ka soo hor muuqanaya fadhiga Baarlamaanka isaga oo wada jir xildhibaannada khudbad ugu jeedin doona. Maalintii shalay ayuu dib u dhacay...
Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahmed Issa Awad, ayaa qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Carlo Campanile, isaga oo ka guddoomay dhambaal casuumaad ah. Intii kulanka lagu gudajiray waxaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, iyadoo yadoo loo marayo istratijiyad siyaasadeed, nabadgelyo iyo dhaqaale si...
Iyadoo maanta uu dib u dhacay ku yimid kulankii khudbad jeedinta guddoomiye Jawaari ee Golaha Shacabka ayaa warar soo baxaya sheegayaan in maalinta berri ah la qaban doono fadhiga Golaha, Xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in maalinta berri oo ku beegan 12ka bisha April guddoomiye...
Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Cabdicasiis Xildhibaan oo la xiriiray Warbaahinta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay weerar maalmihii ugu danbeeyay leysla dhaxmarayay oo ka hadlaya in ay jiraan haween Soomaaliyeed oo cirbado ku mudaya darawalada ku shaqeysta gadiidka yaryar ee Mooto Bajaajka. Warka ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa u...