Saldhiga Millateriga ee Turkigu Muqdisho ku Leeyahey oo Hoobiyeyaal Lagu Garaacey.

0
447

Madaafiic dhowr ah ayaa lagu waramayaa in subaxnimadii hore ee saakay Al-shabaab ku weerareen saldhiga Turkiga ee magaalada Muqdisho sida ay warbaahinta u sheegeen dadka degan xaafaddaha ku dhaw dhaw saldhiga.

Ilaa iyo hadda lama oga haddii uu jiro khasaare ka dhashay madaafiicdan lagu tuuray saldhiga, waxaana sheegtay mas’uuliyada madaafiicdan Al-shabaab oo warbaahintooda ka soo daayay war ku saabsan in 13 madfac ku tureen saldhiga Turkiga ee lagu tababarka ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saldhiggan ayaa ku yaalla deegaanka Jaziira ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaaa daah furay dowladda Turkiga oo ugu talagashay in lagu tababaro ciidamada militariga Soomaaliya, waana saldhigga ugu ballaaran ee dowladda Turkigu ku leedahay dalka dibadiisa.

warsom2011@gmail.com