Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay ayaa sheeegtay in ay gabi ahaanba joojisay tababarkii ay siin jirtay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka socday xeryaha ay ku lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya.
Dowladda Imaaraadka ayaa 2014-kii Soomaaliya u soo dirtay Tababarayaal Ciidan, kuwaasi oo tan iyo xilligan tababaro kala duwan iyo qalab Millitari ku...
Ilo xog-ogaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalka midowga Africa AMISOM uu soo rogay amar ah in aan gudaha loo galin karin xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ciidamada midowga Africa.
Xarunta Xalane ayaa sidoo kale saldhig u ah safaaradaha shisheeye iyo hay’addaha Qaramada Midoobey intooda badan waxaana...
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qaybgallay xus ballaadhan oo loo sameeyey maalinta dhiraynta Somaliland oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Bisha Afraad(April)-2018.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bisha April 15-keeda u aqoonsaday inay noqoto maalinta dhir beerista Somaliland, waxaana sanadkan hal ku dheg loogu dhigay geed...
Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maxkamada gobolka Maroodijeex xukun saddex sano ah ku riday Abawaannad Naciimo Qarone.
Naciimo ayeey maxkamada ku soo oogtay danbi ah in ay faafisay hadalo ka dhan ah jiritaanka Maamulka Somaliland iyo inay dal shisheeye ka sameysay barnaamij kacdoon lid ku ah Somaliland.
Xariggeeda...
Degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada mid ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Guddiga doorashada madaxa-bannaan ee heer qaran ayaa ku howlanaa qabsoomida doorashada kursiga uu ka geeriyooday Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin, waxaana ku tartamaya illaa saddex musharax.
Musharixiinta ku tartameysa...
Shir Wadatashi Warfaafinta La Xiriira Kana Dhacey caasimada Puntland Garoowe oo War Laga Soo Saarey.
Waxaa magaalada Garoowe lagu soo gabagabeeyay shirka wadatashiga iskaashiga, mideynta iyo horumarinta warbaahinta dalka, waxaana shirkaa ka qeybgalay Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bahda Warbaahinta ah waxay ku yeesheen magaalada Garowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.
Kullanka, ayaa socday muddo afar...
Shirka Dalalka Jaamacadda Carabta Uga Furmey Dammaam oo uu M/weyne Farmaajo Khudbad ka Hor Jeediyey.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gaaray Magaalada Dammaam ee dalka Sucuudiga ayaa lagu waddaa in uu maanta Khudbad ka jeediyo Shirka 29aad ee madaxda waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.
Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen...
Dalalka Mareykanka,Faransiiska iyo Britain ayaa billaabay isku day cusub oo ay ku doonayaan in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo eedeymaha ah in dowladda Suuriya ay isticmaaleyso hubka kiimikada.
Saddexdan dal oo habeen hore weerar ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla Suuriya ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey u qeybiyay qaraar qabyo qoraal...
Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, ayaa xalay kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada Booliska, iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.
Kulankan, ayaa looga hadlay howlaha Ammaanka...
Wasiirka Arrimaha dibada dowlada Federalka Soomaaliyae Axmed Ciise Cawad ayaa maanta kula kulmay Dalka Boqortooyada Sacuudiga Xog-hayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul Qeyd.
Kulanka labada mas'uul ayaa la sheegay in looga hadlayay horumarada Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.
Mudane Axmed...


















