Qaraxyo Xaley laga Maqley Magaalada Muqdisho oo Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ka Hadashey.

0
528

Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha dowladda Soomaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa sheegay in qaraxyadii xalay laga maqlay magaalada ahaayeen kuwa macmal ah oo aan aheyn madaafiic run ah.

Dadka reer Muqdisho ayaa xalay si wayn u maqlay dhawaqyada wax u eg madaafiic oo magaalada ku soo dhacay, hasse ahaatee dowladda waa ay beenisay.

Wuxuu sheegay Wasiirka in Qaraxyadaasi ahaayeen oo kaliya kuwo la doonayay in lagu qalqal galiyo shacabka ku dhaqan magaalada, islamarkaana hay’adda Amnigu ogaadeen in ay ahaayeen wax loo ekeysiiyay qarax, laakiin aan wax dhibaato ah geysan.

Ciidammada ammaanka ayaa heegan buuxa la geliyay bishan Ramadaan oo xalay bilaabatay, maadaama laga cabsi qabo in Al-shabaab ay magaalada gudaheeda ka geystaan weeraro.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in sare loo qaaday Amiga magaalada Muqdisho inta lagu guda-jiro bisha Ramadaaan.

warsom2011@gmail.com