Tuesday, August 25, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Booliiska dalka Maraykanka ayaa qabtay nin looga shakisan yahay in uu afar ruux ku dilay gobolka Tennessee. Travis Reinking oo 29 jir ah ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay isaga oo ku gabanaya meel dhir badan. Wuxuuna ku eedaysan yahay in uu rasaas ku furay dad Axaddii ku sugnaa makhaayad,...
Ilaa galinka danbe ee maanta ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo is diiwaangelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Is-diiwaangelinta oo shalay bilaabatay ayaa ilaa hadda waxaa is diiwaangeliyay musharaxiinta kala ah Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow, Xildhibaan Sheekh Cali Sheekh Maxamed Nuur, Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta...
 Ilaa 10 ayaa la xaqiijinayaa in ay ku geeriyoodeen kadib markii la jiirsiiyay gaari iyagoo lugeynayay waddo ku taal magaalada Toronto ee dalka Canada. Wararku waxaa ay sheegayaan in darawalkii waday gaariga uu ka baxsaday goobta uu dadku ku wax-yeeleeyay hase yeeshee waxaa laga soo qabtay meel ka baxsan halka...
Dagaal culus ayaa lagu waramayaa in xalay deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka Muqdisho uu ku dhaxmaray ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM iyo Al-shabaab. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii xoogag  ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin degaankaasi. Dagaal socday mudo ka...
                        Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in uu goordhow ka furmo bandhigga buugaagta Kismaayo, kaa oo lagu soo bandhigayo buugaag ay qoreen qoraayaal kala duwan oo isugu jira Soomaaliya iyo Ajaanib. Buugaagta lagu soo bandhigay carwo bandhigeedkan ayaa u badan buugaag ku qoran luuqadda Soomaaliga oo ay qoreen qoraayaal Soomaaliyeed, waxayna...
                        Sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ahna wasiir kuxigeenka wasaaraddaasi Mudane C/raxmaan iidaan Yoonis ayaa soo xiray shirki looga hadlayay bad-qabka saxafiga, kaa oo labadii maalmood ee u danbeeyay ka socday magaalada Muqdisho. Shirkan oo ay ka qeybgaleen madax ka socotay warbaahinta dowliga ah, tan madaxa bannaan, ururrada bulshada...
  Ku simaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ahna Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yooniis, ayaa daahfuray Hab-Raaca qaran ee Badbaadinta Saxafiga, oo ah kii ugu horeeyay ee laga hirgaliyay dalalka ku yaalla Bariga Afrika. Wasiirka ayaa tallaabo guul ah ku tilmaamay go’aanada ka soo baxay shirka muddada labada maalmood u...
  Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in la bilaabo is diiwaangelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka. Guddiga qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shalay soo saaray Jadwalka iyo qaabka ay u dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Golaha. Is diiwaangelinta Musharaxiinta ayaa waxa ay soconeysaa 23-ka April oo maanta...
Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre ayaa ka digay khilaaf iyo is qabqabsi sababa burbur ku yimaada maamulka, isagoo ku baaqay in gacmaha la is qabsado. Cismaan Barre ayaa sheegay in haddii khilaaf yimaado burbur ku xigo, waxaana uu soo jeediyo in wixii qaladaad ah lagu saxo gudaha maamulka. “Khilaaf wax...
Laba toddobaad kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in dowladda Suuriya ay adeegsatay hubka kiimikada ayaa khubarada caalamiga ee ku takhasuusay baaritaanada hubka kiimikada waxaa ay gaareen magaaladii ay heysteen mucaaradka ee Douma. Hey’adda OPCW waxaa ay sheegtay in khubaradooda ay soo uruuriyeen walxa ay ku baari doonaan sheybaaradooda. Madaxda...