Khasaaraha ay Gaysteen Roobab Duufaanno Wata oo Qaybo Soomaaliya kamid ah ku Dhuftey.

0
460

Soomaaliya guud ahaan marka la eego xiligan hadal heynta ugu weyn waa duufaanno wata dabeylo xooggan, roobab iyo waliba fatahaadda Wabiga oo ku dhuftay qeybo badan oo mid dalka Soomaaliya.

Guud ahaan marka la eego dadka ku dhintay roobabka, daadadka ka dhashay fatahaada Wabiga iyo dabeylaha waxaa ay kor u sii dhaafayaan 45 ruux, iyadoo Soomaaliland oo kaliya ay u dhinteen ku dhawaad 31 ruux.

Marka laga soo tago khasaaraha dhimasho sidoo kale waxaa ay sababeen dabeylahan iyo roobabka is wata dhimashada kumannaan xoolo ah iyo bur burka dhismayaal iyo beerihii sanadkan la filayay in ay soo go’aan.

Qaramada Midooobay ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda aan la garanaynin baaxadda ay gaarsiisantahay khaasaharaha rasmiga ah ee  ka dhalatay fataahadaha iyo roobabka dabaylaha wata ee Somaliland sababtoo ah duufaannadu waxaa ay burburiyeen waddooyinkii iyo isgaarsiinta deegannadka.

Magaalada Beledweyne oo ah halka ugu daran oo ay ku fataheen daadadka ka dhashay Wabiga Shabeele ayaa hadda u muuqata mid ay biyihiin ka sii dhamaanayaan, inkastoo magaalada laga arki karo raadadka iyo saameynta weyn oo ay ka tageen daadadku, sidoo kalena waxaa jirta cabsi laga qabo cudurro ka dilaaca halkaa kaddib marka ay biyuhu ka baxaan magaalada .

Magaalada Muqdisho sidoo kale daadad ku dhashay roob labo cisho ka hor ka da’ay waxaa ku dhintay 6 ruux, halka sidoo kale uu sababay khasaare hantiyeed oo gaaraya $35 milyan oo dollar sida uu ka dhawaajiyay Duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Waxaa soconaya gurmad heer caalami ah oo la doonayo in lagu kaalmeeyo dadka ay wax –yeeladu ka soo gaartay fatahaada iyo daadadka ka dhashay roobka, duufaannada iyo dabeylaha wada socda.

warsom2011@gmail.com