Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoog leh oo ka dhashay shir magaalada Muqdisho uga furmay Wasiirrada Warfaafinta Dowlad dhexe iyo dowlad gobolleedyada, kaddib kulan shalay ka dhacay Muqdisho oo looga hadlayay Badqabka Suxufiga.
Qaar ka mid ah Wasiirrada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay shirka lagu casuumay, laakiin markii ay yimaadeen...
Kenya ayaa sheegtay in ay diyaarinayso Kolonyo ay la socdaan ciidamo, kuwaasoo ilaalin doona Ammaanka gaadiidka ay saarnan yihiin dadka ee Isticmaala gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Waxaa ay sheegtay in tani looga hortaggi doono wax-yeeladda dadka Shacabka ah ka soo gaarta Weerarada Al-Shabaab ay ku qaadayaan gobolka Waqooyi...
Wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka Somaliya Mudane Cabdiraxmaan Dahir Cismaan oo Safar shaqo ku yimid dalka Maraykanka ayaa Xaflad lagu soo dhaweynayo loogu qabtay magaalada Bloomington gobolka Minnesta ee dalka Maraykanka.
Xafladaan oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyadda Somaliyeed ayaa waxaa ka soo...
Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu jiray heshiis la xiriira dekedda Berbera oo ay la galeen Imaaraadka Carabta.
Sharma’arke ayaa sheegay in uusan jirin muddadii uu xilka hayay heshiis militari iyo mid ganacsi oo dhaxmaray iyaga iyo Imaaraadka...
Cabdiwali Sheekh Muudeey ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Dastuurka hadda lagu dhaqo dalka uusan aheyn kii saxda ahaa oo ay ansixiyeen Ergada Soomaalida sanadkii 2012.
Muudeey ayaa sheegay in Dastuurkii saxda ahaa la xaday oo aan la ogeyn meel lagu sheego sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu...
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay 15 Xubnood oo loogu tala galay in ay ka shaqeyaan qaban qaabadda doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo...
Maanta ayaa lagu wadaa in markii ugu horeysay Shacabka ku dhaqan dalka Sacuudiga 40 sano kaddib ku daawadaan Filim Goob Fagaaro ah lagu soo bandhigayo.
Kumannaan qof oo dhashay dalka Sacuudiga ayaa lagu waddaa in ka qeyb galaan daawashada filimkaasi.
Sanadkii la soo dhaafay ayaa xayiraada saarneyd shineemooyinka laga qaaday oo...
Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Sacad Cali Shire oo ka jawaabayay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Wasiiru-dowlaha arrimaha dibeda Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ay dhab tahay in Imaaraadku uusan si dhab ah u Ictiraafsaneyn jirintaanka Somaliand.
‘’Waa dhab Imaaraadku si rasmi ah uma aqoosana jiritaanka Somaliland, Safaaradna kuma laha, Qunsulna...
Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibeda xukuumadda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise oo ka hadlayay dadaallada socda ee la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya Imaaraadka, aya sheegay in dalal dhowr ah oo daris iyo saaxiib intaba leh doonayaan in ay dhameeyaan khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
‘’Dalal dhowr ah oo daris...
Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay kulan ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka, iyaga oo uga wada hadli doona hanaanka doorashada guddoonka Baarlamaanka.
Ajandaha kulanka maanta ayaa waxaa ka mid ah Magacaabista Guddiga doorashadda Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April...


















