Tuesday, August 25, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Faadumo Maxamuud Ibraahim oo 10 sano jir ah aha ayaa lagu arkay arin mucjiso ah, iyadoo ay indheheeda, dhegeheeda iyo afkaba ay ka soo daadanayaan dhagxaan, magaalada Laascaanood Xarunta gobolka Sool. Gabdhan oo aan wax xanuun ah oo dhiba aanay jirin sida ay waalidiinteed sheegeen ayaa waxa dhibaato ku haya...
Maamul gobolleedka Puntland ayaa marti-gelinaya  shir ku saabsan Xasilinta Amniga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo lagu imartiqaaday mas’uuliyiinta wasaaradaha Amniga Xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka dhisan dalka. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgali doona wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse iyo wasiirada Amniga maamul goboleedyada...
Boqolaal Soomaali ah ayaa ka soo qeybgashay aas si wada jir ah loogu sameeyay labo dhalinyaraa oo maalinimadii sabtida lagu dilay mid kamid ah xaafadaa magaalada Columbus. Dhalinyaradan waxaa ay wada saarnaayeen halgaari waxaana loo tooktay si isku mid ah mana suurogalin in dhaawac lagu soo gaaro. Booliska oo goobta yimid...
Dowladda Koofur Africa ayaa ku wareejisay dowladda Soomaaliyeed deeq lacageed oo gaareysa 500,000$, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Magaalada Muqdisho. Lacagtan ayeey dowladda Koonfur Africa ugu talagashay in gargaar loogu sameyn lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadihii ugu danbeeyay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya iyo...
Waxaa magaalada Columbus ee Ohio Sabtidii aynu soo dhaafnay lagu dilay Cabdillaahi Saciid Shariif iyo Cabdi Khaaliq Saciid Maxamed oo ka tirsan Soomaalida ku nool Maraykanka. Muwaadiniintaan ayaa lagu dhax dilay Gaari ay wateen iyaga oo ku sugan Magaalada Columbus ee dalka Maraykanka lagumana guuleysan in la soo qabto dadkii...
Sida ku qoran jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa in fadhigga Golaha Shacabka Khudbado looga dhageysto murashaxiinta u tartamaya Guddoomka Golaha Shacabka. Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Nuur Iidow ayaa warbaahinta u sheegay in maalintii shalay la soo gabagabeeyay is diiwaanta musharixiinta,...
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin ayaa warbaahinta u sheegay in tirada dadka ka barakacay fatahaada magaalada qiyaastii gaarayaan 9000 oo ruux kuwaa oo maciinbiday deegaannada dulleedka Bari gaar ahaan Ceel Jaalle. Guddoomiyaha aya ka deyriyay xaalada nolaleed ee dadka ka barakacay guryihii ay ku noolaayeen, kuwaa oo sida...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaadhiga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xilka iska casilay kaddib markii uu isku soo tagay qabasha xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka. Wasiirka ayaa isku casilay sidii uu ugu tartami lahaa qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo guddiga qaban qaabada doorasha guddonka Golaha Shacabka ay sharuud ugu dhigeyn...
Gaadiidleyda Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka cabanaya shiidaal xun oo gaadiidkii waxyeelo u soo gaystay. Gaadiidkii yaryaraa ee Batroolka ayaa ugu daran kuwo shiidaalku waxyeeloobay,isla markaaana illaa hadda wax laga qabtay oo xukuumad ahaan wax kaga qabatay ma jirto, inkastoo wasiirka Ganacsiga Somaliland sheegay inuu guddi baadha shiidaalkaasi xun...
Afaafka hore iyo dhamaan agagaarka Xerada General Gordan ee shalay ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya ay ku dagaalameen ayaa maanta lagu arkayay ciidamo milatari aad u tababaran oo wato gaadiidka Gaashaaman. Mar aan saakay soo hormaray halkaasi ayaa indhaheygu qabanayeen tiro ciidan ah oo halkaasi amniga sugayo islamarkaana diidayay...