Gudiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada oo Shahaado KMG Gudoonsiiyey Shan Xisbi Siyaasadeed.

0
640

Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xafiiskooda Diiwaangelinta ayaa Maanta Gudoonsiiyey Shan Xisbi Siyaasadeed Shahaadada KMG,kuwaas oo Kusoo Biirey Toban Xisbi Siyaasadeed oo hore Shahaadada kmg u Haystey,Xisbiyadan oo Kala ah Xisbiga Socod,Xisbiga Dadka,Xisbiga Caddaaladda iyo Badbaadada,Xisbiga Xal Qaran,iyo Xisbiga Shaqsiyada iyo Wadaniyada.

Kulankan Shahaado Gudoonsiinta Xisbiyada Siyaasadeed ee Shanta ah ayaa waxaa Kasoo Qayb galey Madaxda Gudiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka,Xubnaha Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada,Madaxda Xisbiyada Hore Loo Diiwaan geliyey,Qaar kamid ah Shaqaalaha Gudiga Madaxabanaan,Marti Sharaf Lagu Casumey Munaasabada iyo Saxaafadda.

Ugu Horeyntii ayaa Waxaa Munasabadda Ka Hadley Aayadaha Qur’aanka kadib Gudoomiye ku Xigeenka GMDQ Mudane Sayid Cali oo Sheegey Waxa looga Baahanyahey Xisbiyada Shahaadada KMG ku Guuleystey Isagoo u Hambalyeyey kuna Bogaadiyey Dadaalkii ay Soo Mareen iyo Marxaladii Adkeyd ee ay la wadaagayeen Xafiiska Diiwaangelinta.

Madaxa Xafiiska Diiwaangelinta Maxamed Maxamuud Xasan Sandheere ayaa isaguna Sheegey Waajibaadka Saaran Xisbiyada iyo Xuquuqdooda Kuna Booriyey in Xisbi Kasta Aragtidiisa,Ujeedooyinka iyo Mabaadii’da Lagu Qiimeynayo Laguna Xulan doono Afkaarta uu Shacabka ka Gado,Sidoo kale Waxaa Munaasabadda Ka Hadley Gudoomiyeyaasha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga iyo Xisbiga Midnimada iyo Dimuquraadiyada Cali Maxamed Nuux Timajilic iyo Salaad Cali Jeele oo Dhamaantood Qirey Shaqada Gudiga MDQ iyo Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada,iyadoo Xisbiyada Shahaadada La Siinayey uu u Hadley Gudoomiyaha Xisbiga Xal Qaran Maxamed Macalin Cali oo Sheegeyin ay ku Faraxsanyihiin Maanta Shahaada La Gudoonsiiyey ay u Mahadcelinayaan Masuuliyiintii Xafiiska Diiwaangelinta iyo Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Gabangabadii ayaa waxaa Kulanka Soo afjarey Gudoomiyaha Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliima Yarey oo Bogaadisey Dhamaan Xisbiyada Shahadada ku Guuleystey iyadoo u Rajeysey in ay la Yimaadaan Aragtiyo Wanaagsan oo Dadka Soomaaliyeed ku Diirsadaan Kuna Hilmaamaan Dhibaatooyinkii ay Soo Mareen Kadibna Mid Mid u Gacan Qaadey una Gudoonsiisey Shahaadada KMG ee Xisbiyada Siyaasada.