Saraakiisha Amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay xireen saddex ruux oo lagu tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Ciidamada Booliska ayaa raggaasi ku xiray Nyeri County, waxaana ay ku qabteen howlgallo ay ka sameeyeen Nyeri degaanada hoos yimaada.
Waaxda Baarista ayaa sheegay...
Saraakiisha Booliiska magaalada Ottowa ee dalka Canada ayaa faah faahin ka bixiyay weerar lagu dilay muwaadin Soomaali ah laguna dhaawacay Haweeney Soomaali ah oo ay wada socdeen.
Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay Axadii toogasho lagu dilay magaalada Ottowa C/fitaax Cusmaan, weerarka kale ayaa lagu dhawaacay sidoo kale haweeney hada lagu dabiibayo...
M/weyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi oo Mamul Goboleedyada uga Digey in ay Garab Siiyaan Xaaf.
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaanshi Carabey oo ku sugan degmada Cadaado ayaa ugu baaqay dowlad gobolleedyada dalka in aysan la safan garab ka mid ah dhinacyada iska soo horjeeda ee maamulka Galmudug.
“Waxaan uga digenynaa Madaxda dowlad goboleedyada oo maalmahan laga dhiganayay garab, Galmudug hal nin malahan, mana ahan...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay dil galinkii danbe ee shalay degmada Waaberi loogu geystay Cumar Dalxa oo ka tirsanaa shaqaalaha Baarlamaanka gaar ahaan qeybta Qasnajiga.
Guddoomiye Mursal ayaa marka hore sheegay in Golaha Shacabka ehelada Marxuum Cumar Dalxa uu uga tacsiyadeynayo geeridan...
Rag bastoolado ku hubeysan ayaa lagu waramayaa in subaxnimadii hore ee saakay siyaabo kala duwan ugu toogteen degmada Wadajir Labo ruux oo la sheegay in mid ka mid ah uu ahaa macalin dugsi Qur’aan.
Maamulka degmada Wadajir ayaa sheegay in salaadii subax saakay kaddib rag hubeysan gurigiisa ugu galeen Nin...
Rag hubeysan ayaa lagu waramayaa in goor dhaw oo maanta ah ku dileen degmada Waabari ee magaalada Muqdisho qof ka tirsanaa shaqaalaha Golaha Shacabka sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu dilka dhacay.
Qofka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Dalax, sidoo kale waxaa werarka ku...
Rabshadihii ugu xooga badnaa mudo sanado ah ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool, kaas oo lagaga soo horjeedo Somaliland.
Dhowr qof ayaa dhaawac ka soo gaadhey rabshadahaas kuwaas oo la gaadhsiiyey isbitaalka Laascaanood oo inta badan rabshadahaasi ay ku soo gabagaboobeen.
Ciidanka booliska oo adeegsanaya Rasaas gumuc ah ayaa...
Magaalooyin Cadaado iyo Dhuusa-Mareeb oo ay kala fadhiyaan mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Galmudug ayaa waxaa ka soconaya dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa saacadihii ugu danbeeyay gaaray qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Galmudug, iyaga oo ka jawaabaya baaqa guddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir, waxaana lagu...
Midowga Africa ayaa muujinaya walaaca ay ka qabaan faragelinta shisheeye ee l;agu hayo Soomaaliya, kdadib kulan uu magaalada Addis-Ababa ku dhaxmaray guddoomiyaha midowga Africa iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Muse Faki guddoomiyaha Midowga Africa iyo ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihin, Siyaasadda,...
Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo weydiinaya Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wargaliyay in maanta uu jiro kulanka Baarlamaanka, waxaana kulanka shir guddoominaya gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Mudanayaasha ayaa su’aalo weydiinaya Wasiirka Waxbarashada, gaar ahaan xildhibaannada ayeey su’aalahooda la...

















