Guddiga Adeegga Isgaarsiinta oo uu Ka Hor Yimid Waziiru Dawlaha Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

0
346

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta C/llaahi Bile Nuur ayaa ka horyimid magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka oo uu dhowaan qoraal ku soo saaray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan.

Qoraal warbaahinta soo gaaray oo uu qoray Wasiiru-dowlaha ayuu ku ogeysiiyay Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana qoraalka lagu soo bandhagay cabashada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo maamul goboleedyada ka keeneen xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaran oo Hal shirkad u badan.

warsom2011@gmail.com