Tuesday, August 25, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeybgalay kulan duco ah oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa Sheegay In Al-shabaab Doonayaan in ay Dadka Kenyaanka ah Isku Diraan,Wuxuuna digniin u diray shacabka Kenya. Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay in bulshada ku dhaqan Kenya in Al-shabaab qorsheynayaan in ay iska...
Ra’iisul xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay Garoonka Balli-Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ah saldhig ciidamada Mareykanka ku tababaraan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab. Garoonka Balli-Doogle aya hadda waxaa ay xero militari u tahay ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo ka...
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Mukhtaar Mahad Daa’uud oo qeyb ka ah wafdiga madaxweyne Farmaajo ee ku sugan dalka Kenya wuxuu caddeeyay inaysan jirin heshiis la ogyahay oo dhinaca xadduuda ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, wuxuu inta ku darray wadahadalkii u dambeeyay ee madaxweyne Farmaajo iyo...
Iyadoo sanad walba maanta oo kale 31-ka May 2018 ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee loo asteeyey joojinta cabista sigaarka ayaa dhaqaatiirta Soomaaliyeed waxay mar kale bulshada kaga digayaan qatarta uu leeyahay iyo cudurada halista ah ee ka dhasha. Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta...
Kobaca dhaqaalaha Mareykanka ayaa la sheegay inuu seddexdi bilood ee la soo dhaafay kobaciisa uu yahay 2.2% taasoo ka hooseyso qayaasti lagu waday inuu gaadho oo ahayad 2.3%. Waaxda dhaqaalaha Mareykanka ayaa waxay Arbacada soo saartay warbixin dib loo habeeyey oo ku saabsan qayaasta kobaca dhaqaalaha dalka. Waxayna warbixintu sheegeysaa alaabada...
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliy Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddo laba cisho ah booqasho ku joogay dalka Jabuuti ayaa la kulmay madaxda dalkaasi. Wasiir Cawad waxaa uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, iyagoo ka wada hadlay...
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho hal cisho ah ku jooga dalka Kenya ayaa wadahadal kula yeeshay Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkan Mudane Uhuru Muigai Kenyatta. Madaxweyneyaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada ammaanka, la dagaallanka kooxaha argagixisada ah, ganacsiga iyo horumarinta adeegyada bulshada. Madaxweyne Farmaajo ayaa...
Shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dambiyadda Kufsiga iyo Hindise Sharciyeedka Nakhshadeynta Magaalooyinka Soomaaliya. Sidoo kalana waxaa warbixino kala duwan laga dhagaystay qaar kamid ah gollaha wasiiradda iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Ugu horeyn, Wasiirka amniga Gudaha...
Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta booqasho hal maalin ah ku soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa hadda wadahadal la leh dhiggiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaana kulanka labada madaxweyne uu ka socda xarunta madaxtooyada Kenya. Lama sheegin arrimaha ay ka wadahadlayaan...
Puntland ayaa ku eedaysay Soomaaliland inay caburin ku heyso shacabka ku nool magaalada Laascaanood oo xarun u ah gobolka Sool, sida ku cad warsaxaafadeed goor dhow u baahiyay xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland. Warsaxaafadeedka ayaa ku wargeliyay hay’adaha u doodda xaquuqda insaanka oo ay ugu horreeyso Human Rights Watch iyo beesha caalamka...