Tuesday, August 25, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaa ay isaga baxeen ciidmada dowladda Soomaaliya oo bilihii ugu danbeeyay gacanta ku hayay gacan ku heynta deegaanka. Al-shabaab ayaa sheegtay in ay si buuxda ula wareegeen maamulka deegaanka Moqokori kaddib dagaal culus oo halkaa ku dhaxmaray ciidamada...
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kadib markii ay maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi. Madaxdan ayaa waxaa garoonka caalamiga ah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay...
Ra’iisul wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa shaqadii laga eryay kadib markii ay codka kalsoonida uu u qaaday Baarlamaanka dalka Spain. Hogaamiyaha  xisbiga hantiwadaaga Pedro Sanchez oo baarlamaanka geeyay mooshin ka dhan ah  ra’iisal wasaaraha kuna eedeeyay musuqmaasuq ayaa noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Spain. “Waxaan bilaabaynaa bog cusub oo...
Ciidamada dowlada ayaa toogasho ku diley labo ruux oo la sheegay inay hubeysnaayeen degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir. Toogashadan ayaa ka dhacday xaafadda Xoosh ee degmada Dherkeenley iyadoo la sheegay in iska horimaad hubeysan uu dhex maray ciidamada ammaanka iyo labada ruux ee la diley. Wali kama aysan hadlin maamulka degmada...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa afur u sameeyay qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad. Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu guddoomiyaha kaga mahadcelinaayay xildhibaanada howlihii wanaagsanaa oo ay dalka ka soo qabtay iyo in ey hada wada shaqeyn dhexmarto. Xildhibaanada ayaa...
 Ha’yadda Laanqayrta Cas ayaa ku dhawaaqday in ay  labo kooxood oo dhakhaatiir ah ay u dirtay marinka Gaza si ay u caawiyaan dadkii dhawaan ku dhaawacmay qalalaasihii ka dhacay halkaasi. Hay’adda ayaa sheegtay in dadkaasi ay la kulmayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay uyu horreeyaan dhanka Caafimaadka. Laan-qayrta Cas  waxaa ay...
 Qaramada Midoobay ayaa dowladda Suudaan-ta Koonfureed u qabtay bil iney ku gaarto heshiis ay dagaallada ku soo afjareyso haddii kale ay la kulmi doonto cunaqabateyn. Golaha ammaanka ee qaramda midoobay ayaa wuxuu qaraar ka soo saaray Suudaan-ta Koonfureed qaraarkaasi oo digniin lagu siinayaa dhinacyada isku haya dalkaasi iney heshiis nabadeed...
Hay’adda  xuquuqul Aadanaha Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Itoobiya in deg deg look ala diro ciidamada Liyuu booliiska ee deegaanka Soomaalida Itoobiya. Hay’adda ayaa war ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in ciidamada Liyu booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay si sharci daro ah u laayeen dadka...
Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa degmada Buuhoodle ka shegay in Puntland ka go’an tahay sida hadalka u dhiggay sii socoshada dagaalka deegaanka Tuka-raq oo ay isaga soo horjeedaan Somaliland. Wuxuu sheegay in dagaalkaasi sii socon doono inta Somaliland ay heyso taako ka mid ah...
Weriyayaashan oo laba maalmood oo is xiga ciidanka Boolisku ay qabteen ayaa loo haytey in ay olole dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood lagu kicinayo ay sameeyeen. Sadex maalmood oo wadahadal maamulka iyo bahda Saxaafadda u dhexeeyey ayaa lagu guulaystey in la sii daayo C/samad Keyse Tungub oo Kaslsan TV u...