Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo goor dhaw lagu weeraray xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane ee degmada Wadajir.
Ilo xog ogaal ah ayaa Warbaahinta warsom u sheegay mid ka mid ah madaafiicdan uu ku dhacay dugsi Qur’aan kaa oo sababay dhaawaca tiro ka badan Shan ruux oo ay carruur ka mid yihiiin.
Lama oga khasaaraha kale ee ka dhashay madaafiicdan oo sidoo kale ku dhacay isla qeybo kale oo ka mid ah degmada Wadajir.
Hoobiyayaasha ayaa laga maqlay magaalada xili amaanka siweyn loo adkeeyay loona dabaal-dagayo xuska munaasabada 1da Luulyo oo ah maalintii ay xoroobeen gobollada Koonfureen iyo is raacii labada gobol ee Koonfur iyo Waqooyi.
warsom2011@gmail.com








