Monday, August 24, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in C/kariin Muuse Qalbi Dhagax uu ahaa sida uu hadalka u dhigay siyaasi u xirnaa Itoobiya, balse ilaa iyo hadda aan heysan xoriyad dhameystiran marka laga soo tago in laga sii daayay xabsiga oo kaliya. Hirmooge ayaa...
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta C/llaahi Bile Nuur ayaa ka horyimid magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka oo uu dhowaan qoraal ku soo saaray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan. Qoraal warbaahinta soo gaaray oo uu qoray Wasiiru-dowlaha ayuu ku ogeysiiyay Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan iyo Ra’iisul Wasaaraha,...
Sida Idaacada VOA uu u sheegay sarkaal ka gaabsaday magaciisa kana tirsan ciidamada Sirdoonka Soomaaliya Isniintii aynu soo dhaafnay deegaan ka tirsan Koonfur Soomaaliya uu ku geeriyooday hogaamiyihii ururka Al-shabaab Ahmed Diriye (Abu Cubeyda) Marka laga soo tago warka laga soo xigtay sarkaalkan ka tirsan ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ma jirto...
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya lagula eegtay meel wax-yar u jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji ayaa sheegay in Qarax oo lagu bartilmaameedsaday ciidamo la socday gaari kuwa dagaalka ah ay ku geeriyoodeen saddex...
Dalka Jabuutii xalay waxaa lagu qabtay munaasabad loogu dabaal degayay sanad guuradii 41-aad ee ka soo wareegatay markii Jabuuti uu ka xuroobay gumeystihii Faransiiska. Fantisyo kala duwan oo loogu dabaal degayay 27-ka Juun ayaa xalay lagu qabtay meelo badan oo ka mid ah dalka Jabuuti, waxaana isugu soo baxay dadeyne...
Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo  Somaliland. Ra’iisal wasaare ku-xigenka ayaa sheegay mar labaad in ay dib u bilaaban doonaan wada hadaladii dowladda Soomaaliya iyo  Somaliland. Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay dowladda dhexe ee Soomaaliya...
Itoobiya ayaa sheegtay in wafti ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ay toddobaadkan magaalada Addis Ababa u iman doonaan wada-hadallo soo afjari kara mid ka mid ah dagaalladii ugu dheeraa ee qaaradda Afrika. Wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya oo warkan ku dhawaaqday maanta ma aysan bixin faahfaahin intaas dheer. Madaxweynaha...
Ra’iisal Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gebagebeeyay booqasho hal maalin qaadatay oo dalka Rwanda uu ku joogay, ayaa magaalada Kigali ee caasimadda dalkaas kulan kula qaatay madaxweynaha Rwanda ahna gudoomiyaha Midawga Afrika, Paul Kagame. Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Rwanda ayaa ka...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay maalintii xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka, islmarkaana dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay calan Soomaaliyeed, u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in masuuliyad weyn ay ka saarantahay qof...
War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee urur gobolleedka IGAD ayaa lagu sheegay in shaqadii iyo xilkii uu ka hayay Urur gobolleedka laga saaray Col. Gabre ahaa La Taliyaha sare ee dhinaca siyaasadda ee xog-hayaha Guud ee IGAD, kaasoo xilkan loo magacaabay sanad ka hor. Warqada...