Wasaaradda Maareynta Masiibooyinka Qaranka oo Agaasimaheedi Loo Xirey Musuq Lacageed.

0
608

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay gurigiisa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ka soo qabtay agaasimihii Wasaaradda Maareynta Masiibooyinka Daahir Maxamed Nuur oo lagu soo eedeeyay musuq-maasuq.

Hay’adda Dambi Baarista (CID) ayaa xaqiijiyay in Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaaasimihii Waaxda Dib u Dejinta Barakacayaasha,lagu soo eedeeyay musuq–maasuq xatooyo sida hadalka loo dhigay.

Agaasimaha ayaa lagu soo eedeeyay in uu lusaday lacag dhan $ 84,000 (Siddeetan iyo Afarkun oo Dollar).

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan hore ku cel celisay in ay ka go’an tahay in ay tallaabooyin dhab ah u qaaddo la dagaallanka musuq maasuqa, si aan loogu tagri falin hantida dadweynaha.

Waa mas’uulkii ugu horeeyay ee loo soo qabto arrimo la xiriira musuq maasuq muddada ay dowladda-ni jirto.

warsom2011@gmail.com