Sunday, August 23, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Hey’adda Cunnada adduunka ee WFP ayaa oggolaatay in ay iibsato Galeyda beeraha Soomaaliya, kaddib baaritaan lagu ogaaday in ay tahay nuuca ugu wanaagsan Galayda Bariga iyo Bartamaha Afrika arintaas oo Soomaaliya u oggolaatay in ay ku biirto waddamada WFP Galeyda ay ka iibsato. Munaasabad Axadii lugu qabtay Bakhaarrada WFP ee...
Boqolaal Itoobiyaan ah oo ka soo qaxay Jig-jiga ayaa soo gaadhay magaalo xuduuddeedka Tog-wajaale gaar ahaan dhinaca Somaliland. Itoobiyaankan ayaa u badan qoomiyada Oromadda, gaar ahaan waa dadkii ka ganacsanayey Jig-jiga ee hantidoodii la boobay, kuwaas oo amaan soo biday Wajaale maadaama oo aanay u gudbin Karin dhulkoodii. Sidoo kale, waxa...
Wararka ka imanaya magaalooyinka Jigjiga iyo Diri-Dhabe ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ay ka jirto xaalad degenaasho, kaddib rabashadoo labadii cisho ee la soo dhaafay ka dhacayay. Magaalada Dirir-Dhabe oo shalay ay isku fara-saareen dad ka soo kala jeeda Qowmiyadaha Soomalida iyo Oromada ayaa degan, kaddib markii...
Ra’iisal wasaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan uga qayb galay munaasabadda lagu saxiixay heshiiska dawladda midnimada qaran ee lagu soo af-jaray colaaddii waqtiga dheer u dhexeysay dhinacyada isku hayay siyaasadda Suudaanta Koonfureed. Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxda kale ee ka socota waddamada IGAD ayaa...
Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa war ay soo saartay wax-ba kama jiraan ku tilmaamtay eedeyntii hanti-dhowrka guud iyo xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka dhan ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mukhtaar Mahad Daa’uud. Hoose ka akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda : Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay beeninaysaa dhammaan eedeymaha...
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xassan Cumar oo war-fidiyeenka kula hadlay goobta uu Qaraxa ka dhacay caawa oo lagu magacaabo Baar Somalia ayaa sheegay in ay ku dhinteen Afar ruux oo mid ka mid ah uu yahay carruur, halka tiro ka badan 7 ruux ay ku dhaawacmeen. Baarkan oo dhawaan...
Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Afar ruux ku geeriyoodeen tiro kale oo ka badan 10 ruux-na ku dhinteen Qarax ismiidaamin ah oo halkaa ka dhacay. Dadka weerarkan ismiidaamin ah ku dhintay ayaa la sheegay in ay isugu jireen dad shacab iyo ciidamo...
Wararka ka imaanaya magaalada Diri-dhabe ee DDSI ayaa sheegaya in rabshado la mid ah kuwii shalay ka dhacay Jigjiga ay halkaas qarxeen. Xaafadda Ashawa ayaa la sheegay in ay rabshaduhu ka billowdeen, waxaana irdaha loo laabay meheradaha suuq halkaa ku yaalla oo la yiraahdo suuqa Ashawa. Rabshadahaas oo u dhaxeeya dhallinyaro...
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre goor dhaw magacaabay tiro wasiiro ah isaga oo buuxiyay boosaskii horay uga bannaanaa xukuumadda. Wasiirka Waxbarashada ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Goodax Barre oo badallaya Wasiirkii hore Cabdiraxmaan Daaahir Cismaan oo todobaad ka hor xilka laga qaaday. Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Xuseen Sheekh...
Wararka xiligan Warbaahinta Warsom ka soo gaaraya Isgoyska degmada Hodan ee xaafadda Seybiyaanno ayaa sheegaya in ciidamada nabad-galyada dowladda Soomaaliya toogasho ku dileen rag hubeysan oo la socday gaar yar oo ku raaxda ah. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in gaari ay wateen ciidamada dowladda oo noociisu ahaa Cabdi Bille...