Sunday, August 23, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa si faah faahin ka bixisay waxa soo dadajiyay is badalka ka dhacay dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaddib markii tallada deegaanka laga wareejiyay Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda ku jira gacanta dowladda Itoobiya. Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka Itoobiya Axmed Shide ayaa sheegay in maamulkii Cabdi Maxamuud...
Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, kadib markii Donald Trump uu diiday heshiiskii Iiraan lala gaaray. Dowladaha reer Galbeedka qaarkood ayaana ka walaacsan go’aanka madaxweyne Trum ee ku aadan Iiraan ,kadib markii uu sheegay in uu xayiraad hor leh uu ku soo rogayo. Xayiraadaha cusub...
Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si weyn uga hadlay xiriirka diplomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha,isagoo xusay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheere oo saaxiibti-nimo ku dhisan. Danjiraha ayaa balanqaaday in uu ka shaqeyn-doono sidii dowladda Shiinaha ay u sii xoojin lahayd mashariicda horumarineed oo ay...
  Dowladda Soomaaliya ayaa Qoraal ka soo baxay waxaa ay markii ugu horreysay ka hadashay khilaafka u dhaxeeya dowladdaha Sacuudiga iyo Canada. Qoraal Afka Carabiga lagu daabacay oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya Soomaaliya si dhaw ula socto xaaladihii ugu danbeeyay ee ka soo...
Dowladda Itoobiya ayaa heshiis nabadeed la saxiixatay jabhadda hubeysan ee OLF. Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Asmara ee caasimadda dalka deriska ah ee Eritrea oo saldhig u ah jabhaddaasi. Wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeyay jabhadda OLF ay si nabad ah hawlaheeda siyaasadeed...
Guddiga Qaranka ee shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Cali Maxamed Cali. Qoraalka ka soo baxay guddiga oo taariikheysan 5-tii bishan July ayaa lagu sheegay in xil ka qaadistan...
168 arday oo 99 ka mid ahi ay hablo yihiin oo afar kuliyadood dhamaystay Jaamacadda Nugaal ayaa munaasabad weyn loogu qabtay Laascaanood xarunta gobolka Sool. Munaasibad aad loo soo agaasimey oo lagu qabtay Hoolka Jaamacada ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta degmada, bahda waxbarashada, ardayda iyo waaliidiin ayaa waxaa...
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hergalisay meel aan ka fogeyn Ex Koontarool Afgooye magaalada Muqdisho kasoo si casri ah loo dhisay sida uu sheegay taliyaha ciidamada Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac. Xabsigan ayaa waxaa booqday mas’uuliyiin ka tirsan hay’addaha cadaallada dalka dowladda oo uu ka mid yahay guddoomiyaha maxkamada...
Maalintii shalay waxaa xilkii madaxwey-naha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iska casilay Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana xilkaa si KMG u soo qabtay Axmed Cabdi Maxamed oo horay u ahaa Wasiirka maaliyada. Magaalada Jigjiga ayaa xalay deganeyd mana jirin wax rabshado ah oo dhacay tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu xilka...
Puntland ayaa shacisay qorshe lugu doonayo garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Jen. Maxamed Abshir Muuse in uu shaqeeyo habeen iyo maalin, taaso ka dhigeysa garoonkii ugu horreeyay ee Puntland oo shaqeynaya labo xilli. Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa toddobadkii hore dhagax-dhigay mashruuc layr loogu sameenayo garoonka diyaaradaha, kaas...