Dayaarad nooca drones-ka loo yaqaan ee aan duuliyaha la socon, ayaa weeraray goob uu ka jeedinayay qudbad TV-ga si toos ah looga sii daynayay madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, gudaha magaalada Caracas Sabtidii, waxana la sheegaya in aysan wax dhaawac ah madaxweynuhu soo gaarin.
Muuqaallo TV-yada laga sii daayay ayaa muujinaya...
Wararkii ugu danbeeyay ee xiligan naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in saakay jidadka magaalada soo dhoobteen ciidamo Booliis ah, gaar ahaa kuwa rabshadaha ka hortaga.
Ciidamada oo raxan raxan u socda ayaa gaaf-wareegaya guud ahaanba magaalada, waxaana la sheegay in intooda badan ciidamada-ni yihiin Soomaali.
Shalay waxaa magaalada ka...
Kaddib howlgal ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayeey sheegeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir in lagu soo qabtay sarkaal ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cisimaan Yariisoow ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu gacanta ku dhigeen horjooge ka tirsan Al-shabaab oo ku...
Magaalada Jigjiga ayaa xalay xasilooneyd, kaddib rabshado shalay ka dhacay magaalada oo ay gudaha u galeen ciidamada dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya oo la wareegay shalay inta badan magaalada.
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo xalay hadal kooban siiyay warbaahinta deegaanka ayaa ugu baaqay shacabka in ay...
Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in la xaliyay khilaaf ka dhashay isku-day ciidamo ka tirsan dowladda isku dayeen in ay ku soo xiraan wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mukhtaar Mahad Daa’uud.
Wasiirka ayaa sheegay isaga oo ku sugan Garoowe in ay jirtay in maxkamad amar ku bixisay in...
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay magaalada Jigjiga ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaddib markii ay saacadihii hore ee maanta halkaa la wareegeen ciidamo ka tirsan federalka Itoobiya.
Dad careysan ayaa isugu soo baxay jidadka magaalada kuwaa oo qaarkood gubaya calanka Itoobiya, dhinaca kalana ku dhawaaqaya erayo ka...
Wararka naga soo gaaraaya magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in saakay ku waabariisatay ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan federaalka Itoobiya oo inta badan la wareegay xarumihii ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Ciidamada oo ku hubeysan gadiidka gaashaaman ayaa la wareegay xarumaha muhiimka sida xarunta Baarlamaanka iyo Xarunta...
Wararka ay goor dhaw heshay Warbaahintu ayaa sheegaya in xiisad adag ay ka jirto wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaaliya kaddib markii ay halkaa tageen ciidamo doonayay in aysoo xiraan wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibeda Mukhtaar Mahad Daa’uud.
Ciidamada tagay wasaaradda arrimaha dibeda ayaa la sheegay in wateen warqad waaran ah oo...
Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo xalay ka qeyb galay munaasabadda xuska 20-sano guurrada dowlad-gobolleedka Puntland oo lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa Shacabka iyo madaxda Puntland ku ammaanay dawlad jacayl, midnimo, horumar dhaqaale, ilbaxnimo, cirib tirka burcad badeedda iyo la dagaalanka Daacish iyo Shabaab.
"Anniga oo ku...
Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in ay ka war helleen tiro dhalinyaro Kenyaan ah oo u tallaabay xadka dhinaca Soomaaliya kuwaa oo ku biiray Ururka hubeysan ee Al-shabaab.
Afhayeen ku hadlay ciidamada militariga Kenya ayaa sheegay in dhalinyarada ka mid ahaayeen dadka ku dhaqan deegaannada dhaca dhinaca xadka ay wadaagaan...


















