
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland,Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar (Camey) oo ka hadlay shirka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada ee lugu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo, wuxuu sheegay inaysan maslaxad ugu jirin bulshadda Soomaaliyeed.
Camey, wuxuu sheegay in looga baahan-yahay hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed in si wadajirka ah looga tashado masiirka umadda Soomaaliyeed, isagoo inta ku daray in looga baahan-yahay khilaafyada jira wada-hadal in lugu dhammeeyo.
” Shirka waxaan qabaa inuu-yahay shir rajo badan laga qabay, laakin aad haatan moodin in umudda Soomaaliyeed ka naxeen… koley shirka waxaan leeyahay maslaxad uguma jirin bulshada Soomaaliyeed.”ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo dhinaca kale soo dhaweeyay shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ee u isagu yeerey madaxda dowlad-gobolleedyada.
” Ka soo horjeesi looma qaadan karo hadalkeygan oo kama soo horjeesan karo madaxweynaheyga .. annigu taan arko waxaa weeye waxyaabaha masiiriga ah oo dhan in laga wada-tashado oo sida ugu wanagsan la isku raaco oo shirka lala-tago .” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo wareysi uu siiyay warbaahinta SBC lugu waydiiyay sababta uu shirka uga soo horjeedo, xilli uu shir guddoonka lahaa madaxweynaha Puntland.
Camey ayaa natiijada shirkan hoos u dhigey, xilli madaxweyne ku-xigeenka Galmudug hadal uu warbaahinta siiyay goor sii horeysay uu uga soo horjeestay dhammaan go’aamada shirka ka soo baxay.
Dhinca kale madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Camey ayaa sheegay in ka maamul ahaan sida uu hadalka u dhigay soo dhaweynayaan shirka uu ku baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
‘’Waan soo dhaweynayaa baaqa madaxweynaha ee ah shir leysugu yimaado, waayo waxaa u arkaa arin bilow wanaagsan noqon karta, horey-na waan u sheegay waa in la wada hadlaa, ajnabi kalama nihin, isku luuqad ayeey-nu ku hadleynaa ayuu yiri’ madaxweyne ku-xigeenka Puntland.
warsom2011@gmail.com




