Sunday, August 23, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wararka ka imanaya Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in magaalada Addis Ababa looga yeeray wasiiradda, ku xigennadoodii, maareerayayaasha wakaaladaha, gudoomiyayaasha 11-ka gobol ee uu deegaanka ka kooban yahay iyo dhammaan dadka uu xilalka u magacaabay maamulkii hore ee aan shaqaalaha caadiga ahayn. Waxaa caasimadda horay usii joogay xubnaha golaha...
Madax-weynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa lagu wadaa saakay in ay u dhoofaan dalka Jabuuti. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya CabdiNuur Maxmamed Axmed ayaa sheegay in socdaalka madaxweynaha iyo wafdigiisu uu salka ku hayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka walaalnimo ee labada dal Soomaaliya iyo Jabuuti. Madax-weyne...
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa soo saaray wareegto uu shaqada kaga joojiyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Minishiibiyo) oo lagu soo eedeeyey masuq-maasuq. Guddoomiyaha oo tix-raacaya soo jeedinta Agaasimaha Waaxda Maamulka Dhulka Dawladda Hoose ee Xamar ayaa u gudbiyey Xeer Ilaaliyaha...
Mudane Axmed Max’ed Islaam Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay safar uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa, isagoo dhinaca kale ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay dowladda dhexe oo ay ugu danbeeysay taliyeyaashii dhawaan lasoo magacaabay.   Madaxweynaha oo ay garoonka kusoo dhaweeyeen...
Xildhibaano ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay in xeerka kufsiga oo dhowaan ay ansixiyeen golaha Wakiiladdu qodobo ka mid ahi ka hor imanayaan shareecada islaamka, islamarkaana ku baaqay in la waafajiyo dastuurka. Xildhibaanadan golaha Guurtida ayaa ku dooday in golahoodu awood u leeyahay inay ilaaliyaan Diinta, dhaqanka iyo nabadgalyadda,...
Xarunta xuquuqda aadamaha ee Somaliland ayaa sheegay in sagaal maxbuus oo ku jira xabsiga dhexe ee Hargeysa bishan August,4-teedii bilaabeen inay cuntada ka soomaan. Maxaabiistan ayaa u xidhnaa arrimo argagixiso, hasse ahaatee waxaa ay sheegeen inay  ka dhamaatay mudadii lagu xumay, inkastoo xafiiska xeer ilaalintu ku dooday in aanu mudadoodu...
Kooxaha gurmadka ayaa xalay oo dhan ku dadaalayay sidii ay dad nool uga soo saari lahaayeen buundadii shalay ku burburtay magaalada Genoa ee dalka Talyaaniga. Ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay in ay halkaasi ku dhinteen, hasayeeshee waxaa la saadaalinayaa in ay sare u kici karto tirada dhimashada. Booliska ayaa...
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa munaasabad casho sharaf ah ugu sameeyey xarunta Dawladda Hoose wafdiga dalka Eritrea ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Cismaan Saalax. Marti sharafkan oo uu goob jog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed,...
Baarlamaanka Puntland oo Talaadada maanta ah fadhi ku yeeshay xaruntiisa magaalada Garoowe ayaa go'aan ka gaaray nooca doorashada ee Puntland ka dhici doonta marka la gaaro sannadka 2019. Guddoomiyaha Baarlamaanka, Axmed Cali Xaashi wuxuu u sheegay warbaahinta marka uu kulanka soo dhammaaday in doorashada ay u dhaceyso nidaamka beelaha ee...
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdi Wali Xuseen 'Gorod', ayaa ku amray ciidamada qalabka sida in ay u hogasamaan sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha inta ay socdaan howlgalada militari Taliyaha ayaa uga digay in askarigu ciqaab ku mudan doono diidmada sharcigan ilaalinaya xaquuqda qofka bani’aadamka. Isaga oo dhinaca...