Taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee gobolka Gedo,Jen Jamaal Xasan Farey ayaa sheegay ciidammada amniga Jubbaland inay la wareegeen galinkii dambe ee Isniintii saldhig ay al-Shabaab ku diyaarinayeen weerarro ka dhan ah ciidanka Daraawiishta Jubbaland.
“Ciidanmadu waxaa ay weerarreen koox ka tirsan al-Shabaab oo deegaan ku dhow degmada Baladxaawo ku diyaarinayay weerar ka dhan ah ciidanka Daraawiishta Jubbaland.” ayuu yiri Jen Farey.
Weerarka inta uu socday waxaa ku geeryooday sarkaal ka tirsan ciidanka Jubbaland oo magaciisa lugu sheegay Cabdi Cabdullaahi Xasan oo darajadiisa ciidan ay ahayd Gaashaanle, afar askari oo kale oo ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa geeryooday, sida u sheegay taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee gobolka Gedo.
Jeneraalka waxaa kalo u sheegay inay al-Shabaab ka qabsadeen gaari iyo hub, isagoo inta ku daray weerarka inay ku dileen tiro ka mid ah dagaalyahannada al-Shabaab, xilligana ay gacanta ku hayaan halka uu ka dhacay weerarka.
Kooxda al-Shabaab oo weerarkan ka hadashay ayaa dhankeeda guul ka sheegatay,iyagoo marka ku baahiyay warbaahinta afkooda ku hadasha in 10 askari ay ka dileen ciidanka Jubbaland, ma jirto warar madax bannaan oo laga helay dagaalka al-Shabaab iyo ciidanka Jubbaland.
warsom2011@gmail.com









