Wararka ka imanaya magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaa ay ka socdaan kulamo aan kala joogsi laheyn oo looga arinsanayo magacaabista gole wasiirro cusub oo uu yeesho maamulka kaddib markii ay isku biireen Ahlu Sunna Waljameeca.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa...
Xeerka Kufsiga ee golaha Wakiiladdu u gudbiyey madaxtooyada ayaa muran ka dhashay ka dib markii Guurtiddu ku dooday in xeerkaasi ahayd in uu iyaga soo maro si ay ugu gudbiyaan madaxweynaha.
Xildhibaanada golaha Guurtida ayaa dood maanta ka yeeshay xeerkaasi ay markii hore wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyeen...
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara.
Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, ilaalinta xuquuqul iinsaanka iyo dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir uu ugu jiro xal u helista dhibaatooyinka...
Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter –ka ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya NISA ayaa lagu sheegay in xubinnimadii hay’adda sirdoonka laga saaray Gen Cabdalla Cabdalla oo horay u soo noqday taliye ku-xigeenka, hasse ahaatee xilka looga qaaday wareegto uu soo saaray madaxweyne Farmaajo.
Ka saarista xubinnimadii hay’adda sirdoonka Soomaaliya...
Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta ku –meel-gaar u ah Jubbaland tagaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleed-yada dalka oo halkaa shir uga furmayo.
Madaxweynayaasha, Puntland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa la filayaa in ay gaaraan saacadaha nagu soo foolka leh magaalada Kismaayo iyaga oo...
Mareykanka ayaa hakinaya dhammaan dhaqaalihii uu siin jiray hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga Falastiin-niyiinta.
Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu gebi ahaanaba hakinayo lacagta uu ugu deeqo hay'addaasi Qaramada Midoobey ee qaxootiga Falastiyiniinta ee UNRWA.
Heather Nauert oo...
Dowladda Britain ayaa ugu baaqaday in la taageero howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya si loo soo celiyo xasiloonimadii iyo kala danbeyntii Soomaaliya loogu-na guuleysto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Ra’iisal wasaaraha Britain Theresa May oo booqatay dalal ka tirsan qaarrada Africa, gaar ahaan dalka Kenya ayaa sheegtay in UK bixineyso...
Degmada Afgooye oo ay ku soo noqdeen weerarrada qaraxyada loo adeegsado ku kuwa toos ah oo ay soo qaadeen xoogagga Al-shabaab, ayaa saacadihii ugu danbeeyay howlgallo ka sameeyay ciidamada dowladda Soomaaliya.
Howlgal-kan oo ahaa mid saf ballaaran ah ayaa la sheegay in ciidamada ku baadi-goobayeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahadallo la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha Mudane Xi Jinping.
Wadahadallani waxa ay hordhac u yihiin Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, madaxweyne Farmaajo waxaa uu Madaxweyne Xi Jinping ku bogaadiyey dib u habaynta uu ku sameeyey siyaasadaha dalkiisa si waddanka Shiinaha loo gaarsiiyo horumar...
Labadii cisho ee la soo dhaafay Boob iyo bililiqo baahsan ayaa lagu hayay ganacsiga dadka ajaanibta ah xaafadda Soweto ee dalka Koonfur Africa, waxaana ganacsiga la boobay ku jira dukaamo ay lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed.
Ganacsatada lagu boobay xaafadda Soweto ee dalka Koonfur Afrika ayaa ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in...


















