Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan ajandihiisu yahay sii wadista doodda ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.
Xildhibaannada ayaa loo diray farriimo lagu ogeysiinayo in Sabtida maanta ah uu kulanka Baarlamaanka jiro,isla markaana ay ka soo qayb galaan.
Doodda ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka golaha shacabka ayaa u baaqatay Arbacadii kooram la’aan,iyadoo guddoonka Baarlamaanka uu marka soo bandhigay xildhibaannada aan ka soo qaybgalin fadhiga oo digniin loo direy.
Toddobadkii hore ayay billaabatay doodda xeer hoosaadka golaha shacabka ,waxaana guddoonka Baarlamaanka uu ku wargaliyay marka xildhibaannada inay soo akhristaan.
warsom2011@gmail.com










