Kadib safar Khamiistii shalay ku tagtay dalka Kenya rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa waxa ay kaga dhawaaqday in Britain ay kordhinayso taageerada ay siiso ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
" UK waxay sii wadi doontaa ka go'naanshaha iyo taageerada ay siiso geesiyaasha reer Kenya ee...
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in qabsoomidda cayaaraha tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka socda Stadium Koonis ay muujinayaan horumarka laga gaarey nabadda iyo is-dhexgalka bulshada Caasimadda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay cayaar xiiso badan oo u dhaxeysay degmooyinka Kaaraan...
Madaxweyne Trump ayaa heshiiskii sanadkii 1994 lagu aasaasay ururka ganacsiga adduunka ee WTO ku tilmaamay heshiis ganacsi kii ugu xumaa taariikhda, waxa uuna ku hanjabay in dalkiisa uu isaga bixi doono ururkaasi.
Trump ayaa sheegay in ururuka ganacsiga adduunka ee WTO uu u baahan yahay in isbadal lagu sameeyo.
Waxaase uu...
Kulliyadda cilmiga Beeraha oo ka mid ah 12-ka kuliyadood ee Jaamacadda Benadir ayaa u dabaaldegtay sanadguuradii 10aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay, iyadoo gelinkii dambe ee shalay xaflad arintaas la xiriirta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo abaabulay ayaa waxaa ka qeyb...
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay hoygga uu ka degan yahay madaxtooyada Soomaaliya ku oo dhaweeyay madaxweynihii hore Xassan Sheekh Maxamuud oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.
Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha lagu...
Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay degmada Dagaal culus uu ka dhacay dagaalka oo dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab.
Dagaalka ayaa bilowday markii xoogag ka tirsan Al shabab ay saddex jiho ka soo weerareen degmada waxayna dadka deegaanka...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Shiinaha oo ay kaga qayb galayaan Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC).
Madaxweyne Farmaajo ayaa furitaanka Madasha ka hor waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Shiinaha Mudane Xi...
Golaha deegaanka degmada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa duqa degmada iyo guddoomiyaha golaha u doortay, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo ah ganacsade iyo xildhibaan hore.
Doorashadan oo billaabatay saacadihii hore ee maanta ayaa waxaa ku tartamayay labo musharrax oo qura, iyadoona ay goob-joog ka ahaayeen mas'uuliyiin ka tirsan Puntland.
Musharraxa...
Xaalada magaalada Beledweyne ayaa saakay degan kaddib rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay ka dhacay, kaddib markii uu iska horimaad dhaxmaray maleeshiyaad hubeysan iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Wada hadalo xiisada lagu qaboojinayo ayaa ilaa iyo xalay lagu waramayaa in magaalada ay ku lahaayeen mas’uuliyiinta maamulka iyo...
Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa soo bandhigtay Qalab ay ganacsatada u qaybin doonto oo ay kala socon doonto adeega ay bixiyaan iyo cashuurta ku waajibtay.
Mashiinadan waxa loo qaybin doona in ka badan boqol hoteel, kuwas oo lagala socon doono cashuurta ku waajibtay adeegyadda ay hoteeladdu bixiyaan sida uu sheegay wasiirka...


















