Shacabka ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa loogu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan dagaalka ka dhanka Ururka saldhiggiisu yahay Soomaaliya ee Al-shabaab.
Sentatorka laga soo doorto Gaarisa ayaa Yuusuf Xaaji ayaa dhalin-yarada ku guubaabiyay inay ka qeyb qaataan iska caabinta ururka Al Shabaab, si degaanka uu...
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw oo maanta ah ku toogtay xaafadda Seybiyaano ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo watay gaari yar oo ku raaxda ah.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada si bareer ah u toogteen ninkan dhalinyarada, kaddib-na ay goobta isaga cararreen.
Ciidamo kale oo ka tirsan...
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo magaalada Nairobi kulamo kula qaatay madaxda hay'adda IMF ayaa sheegay in dowladda loo xaqiijiyay inaysan dhinac uga dhicin shuruudaha ay ku gaari karaan in deymaha laga cafiyo.
"Waxa naga go'aan oo aanan marna laga joogeyn ayaa ah in deymaha la cafiyo, si aan...
Ugu yaraan 42 ruux ayaa ku dhintey Doon sidey boqollaal ruux oo ku degtay harada Victoria ee waqooyiga Tanzania.
400 oo ruux dad ku dhow oo rakaab ah ayay sidey doonta degtay, waxaana nolal lugu soo badbaadiyay 100 ruux oo 32 qof oo ka mid ah xaaladda ay ku suganyihiin...
Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland oo markii ugu horreeysay ku shiray magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay fuliso ballan-qaadkii ahaa ka qaybqaadashada dhismaha waddada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Axmed Cali Xaashi oo galinkii dambe ee khamiistii guddoomiyay shirka guddiga joogtada...
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ay ku yeesheen Muqdisho waxaa ay ku oggolaadeen in dawladda Soomaaliya ay qayb ka noqoto axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah kaas oo golaha ay u soo gudbisay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS,...
Shirkii golaha wasiiradda Somaliland ayaa laga soo saaray qodobo ku saabsan safarka uu madaxweynaha Maamulka Puntland ku yimid magaaladda Badhan iyo xeerar cusub oo golaha wasiiradu ansixiyeen.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Maxamuud Warsame Jaamac, waxaanu u qornaa sidan: “Kal-fadhiga golaha wasiirrada, ayaa lagaga...
Ururka Al-shabaab ayaa warbaahinta u soo bandhiggay sawirro iyo muuqaalo ka tarjumaya khasaaraha rayidka ka soo gaaray duqeyn diyaarado habeen hore ka geysteen degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe.
Duqeynta ayaa dadka ku dhintay la sheegay in ay ka mid ahaayeen saddex carruur ah oo muuqalka meydadkooda lagu baahay baraha...
Mareykanka ayaa sheegaya in uu diyaar u yahay in si deg deg ah uu dib ugu billaabo wada xaajoodyada uu la lahaa dalka Kuuriyada Waqooyi maadaama hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong-Un uu sameeyay ballan qaadyo intii lagu guda jiray kulankii u dhaxeeyay labada Kuuriya ee Arbacadii lagu soo gaba gabeeyay...
Guddiga loo saaray diyaarinta doorashada guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada guddoomiyaha.
25ka bishan aynu ku jirno ee September, ayeey guddigu shaaciyeen in ugu danbeyntii la qaban dooorashada guddoomiyaha baarlamaanka, kaddib markii xilka laga qaaday guddoomiye Cali Gacal Casir oo laakiin dhinaciisa wali diidan xil...


















