Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Gaalkacyo, isagoo safar dhulka ah ku tagaya magaalada Garoowe.
Wali lama soo bandhigin ajandaha shirka, kaas oo ku soo aadaya xilli aan wali wax xal ah laga gaarin khilaafka dowlad-gobolleedyada iyo dowladda federaalka.
Maxaa ka cusub shirka
Shirka dowlad-gobolleedyada oo horey loogu soo qabtay Baydhabo iyo Kismaayo ayaa markii ugu horreeysay waxaa martigalinaysa Puntland, iyadoo madasha uu guddoomiyo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.
Madasha waxaa markii u horreeysay ka maqan madaxweynaha dowlad-gobolleedka Hir-Shabeelle, Maxamed Cabdi Waare, madasha shirka uu ka furmayo lama soo dhigin astaanta maamulka Hir-Shabeelle, halka sawirka hoggaamiyayaasha laga reebay Madaxweyne Waare.
Hoggaamiyaha Hir-Shabeelle ayaa ku gacan-sayray go’aankii madasha dowlad-gobolleedyada ay xiriirka ugu jareen dowladda federaalka, waana halka ay isku khilaafeen Waare iyo madaxda kale ee madasha.











