War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada dowlad gobolleedka Puntland ayaa raaligalin looga bixiyay hadal uu dhawaan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu ka jeediyay magaalada Bandhan.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in madaxtooyada si buuxda raalin galin uga siineyso shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed hadalkii madaxweyne Gaas oo...
Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamo Kenyaan ah qarax khasaare sababay lagula eegtay deegaan hoostaga magaalada Lamu ee gobolka Waqooyi Bari.
Waxaa jira sida wararku sheegayaan khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray ciidamada qaraxa lala eegtay, iyadoo dhinaca kalana uu bur buray gaariga la...
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan bariga dhexe ayaa si adag uga digay xaaladda nabadda ee barige dhexe.
Nikolay Mladenov ayaa BBC u sheegay in xiisadda ka taagan dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto ay sare u sii kacaysay muddooyiinkii ugu dambeeyay.
Mr Mladenov ayaa waxa uu sidoo kale ka...
Shirkan oo ah kii 73aad ahna mid sanadlaa, waxaa Soomaaliya ku matalaya Wasiirka arimaha dibadda Ahmed Eisse Awad iyo Wafdi uu hogaaminayo.
Wasiirka ayaa kulamo la yeeshay madaxda wadamo kala duwan iyo Hay'ado hoos yimaada Qaramada Midoobay, Kuwaas oo uu kala hadlay arimo quseeyo Soomaaliya iyo guud ahaanba Gobolka.
Kulamadii u...
Mas’uuliyiinta dalka Ethiopia ayaa xiray in ka badan 1,200 qof kadib markii bishan ay rabshado ka qarxeen gudaha iyo hareeraha magaalada caasimadda ah ee AddisAbaba, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliska, taasi oo saddex mar ka badan tirada markii hore la qiyaasayey.
Madaxa booliska caasimadda, Degfie Bedi...
Magaalada Hargeysa ayaa maanta lagu soo dhoweeyey Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee jabhadda ONLF, waxaana soo dhoweyntiis ka qaybqaatay qaybaha kala duwan ee dadweynaha, xildhibaanada Guurtida iyo Wakiilada, xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa, wasaarada arrimaha dibada iyo marti sharaf kale.
Dadweynihi soo dhoweynayey ayaa...
Madaxa siyaasadda arimaha dibadda u qaabilsan Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay inay ka shaqeyn doonaan sidii ay reer Yurub ula ganacsan lahaayeen Iran.
Hadalka haweeneydan ayaa yimid kadib markii madaxweyne Donald Trump uu horay u sheegay in ay tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo wax ganacsi ah la...
Qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Canada ayaa lagu waramayaa in dhul ku iibsadeen lacag gaareysa $6,500,000 dollar, waxana uu noqonayaa dhulkii ugu ballaarnaa oo ay iibsadeen markii ugu horeysay qaar ka mid ah Jaaliyada dalkaasi Canada.
Dhulkan oo lagu sheegay inuu qiyaas ahaan dhanyahay 850,000...
Magaalada London ee Dalka Ingiriiska oo Musharax Maxmed Shaale Xaflad Soo Dhaweyn ah Loogu Sameeyey.
Xaflad si weyn loo soo agaasimay laguna taageerayey siyaasiga Gen Maxamed Axmed Jaamac Shaale oo ah musharax Madaxweyne doorashada Puntland ee 2019, ayaa xalay lagu qabtay London ee caasimada UK,
Xafladan oo lagu qabtay xaafadd ka mid ah London ayna ka soo qaybgaleen dadweyne aad u tiro badan oo isugu...
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha gobolka Nugaal, sida ku cad wareegto goor dhow ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland oo guddoomiye cusub loogu magacaabay gobolka Nugaal.
Cumar Cabdullaahi Faraweyne , guddoomiyaha xilka laga qaaday ee gobolka Nugaal, wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta saameynta ku...


















