Waxaa mar kale dib u dhac ku yimid shir uu ku baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku baaqay, kaa oo qorshuhu ahaa in maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 24ka bishan in uu magaalada Muqdisho uga furmo madaxda dowlad gobolleedka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle...
Wararka ka imanaya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay degmada weerar culus ku qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Qoryooley ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo saacado badan qaatay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab isku weydaarsadeen hub culus.
Ciidamada dowladda ee ku sugan degmada...
Waxaa si rasmi ah albaabada loogu laabay xabsigii ugu weynaa gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Jeel Ogaadeen-niya oo muddo dheer ay ku xirnaayeen maxaabiis loo heystay arrimo siyaasadeed haba ugu badnaadeen dadka iyagu taageera Ururrada mucaaradka Itoobiya sida ONLF.
waxaana mas’uuliyiintu sheegeen in loo beddeli doono Miyuusiyam ama matxaf loo daawasho...
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hor yimid baaqii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in shir deg deg ah isugu yimadaan madaxda dowlad gobolleedka Galmudug.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda Galmudug in ay ka soo qeybgalaan shir ka dhacaya madaxtooyada Soomaaliya...
Eedaysaneyaal Loo Haystey Danbiyo Kala Duwan oo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xukunno ku Ridday.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta dhagaysatay dacwad loo haysto lix ruux kuwaasoo lagu eedeeyay inay gacan siinayeen Mahad Xuseen Shiidow oo maxkamada dil toogasho ah hore ugu xukuntay.
Lixda eedeysane ayaa soo abaabulay weerar ay dad shacab ku dhinteen 28-ka bishii tegtay iyagoo gacan siinayay Mahad Xuseen Shiidow oo...
Gobolka Hiiraan ayaa xiligan u muuqda mid wajahaya saldhigasho la’aan maamul, kaddib markii madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu xalay sameeyay magacaabistiisii saddexaad ee guddoomiyaha gobolka Hiiraan muddo hal sano ah oo uu xilka hayay.
Madaxweynihii ugu horeeyay maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa muddadii uu xilka hayay sameeyay magacaabista...
Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland, Cali Cabdullaahi Warsame ayaa is-casilay , isagoo ku eedeeyay maamulka musuqmaasuq iyo inuu ku fashilmay himilooyinkii shacabka.
Cali Cabdullaahi, waxaa kalo uu u sababeeyay is casilaadiisa in shaqada wasaaradda lugu wareejiyay hay’ad uu sheegay “si gaar ah madaxtooyada Puntland inay u naas-nuujiso ,si...
Taliyaha waaxda caafimaadka ee hay’addaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Dr Xassan Axmed Maxamed Gacal ayaa xabsiga la dhigay sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ehelladiisa.
Taliyaha la xiray kaddib markii sida la sheegay uu qarax ka dhashay gaari uu isaga lahaa oo xiligaa hor yaalay hoyga uu ka degan yahay...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baajiyay socdaal uu ugu anbabixi lahaa magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaa oo uu ka furmayo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobey.
Magaalada New York waxaa gaaray wasiirka arrimaha dibedda dalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo shirka ku matali doona madaxweynaha dowladda...
Dowladda Iiraan ayaa ku eedeysay dalalka Khaliijka inay ka dambeeyeen weerar ay ku dhinteen ugu yaraan 29 qof oo askar iyo rayid isugu jira.
Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in xulafada Marekanka ee gobolka ay isku dayeen inay abuuraan amni-darrada Iiraan, balse hoggaamiyahan ma...


















