Sannadahan dambe ayaa dhalinyarada waxa ay isku dayayaan in ay la jaanqaadaan dadka kale ee ku jira shaqadan ee ka soo jeeda bulshooyinka kale ee caalamka.Soomaalida kuma cusbo xirfaddan oo dadkii horey ugu sii jiray ayaa waxa ka mid ah Iimaan oo ku biirtay shaqadan 1976-dii , iyo Xaliimo Aadan oo haysata dhalasha Maraykan ah , taas oo sannadkii 2016-ka ka qaybgashay tartanka quruxda gabdhaha ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyada ee asturan.
Waxa ay sheegtay in ay rajanayso in ay taa dhiirageliso dumarka kale ee Muslimiinta ah si ay isugu kalsoonaadaan. Gabdho badan oo Soomaali ah ayey Xaliimo u noqotay qof ay ku daydaan.
Taa ayaa ku dhiiragelisay in hablo badan ay ku hamiyaan ka mid noqoshada dadka xirfaddan ku jira.
Gabdhahan ayaa barahooda bulshada waxa ku taxan dad aad u badan, waxa ayna taa fursad u siinaysaa in ay ku soo bandhigaan waxaabaha ay qabtaan, ayna dharka ugu xayeysiiyaan dadka ay shaqada u sameeyaan , hawshaas oo ay lacag ka sameeyaan.Gabdhahan ayaa asturan xilliyada ay bandhigyada ka samaynayaan .Waddanka Kenya oo dhawaan ay gabdha Soomaaliyeed ku qabteen bandhig dharka lagu xayeeysiiyo oo aan ka qeybgalnnay, ayaan waxaan la kulmay gabdho ka ganacsada naqshadeynta dharka iyo kuwa dharka xayaysiiya.
Waxa dhamaantood ka muuqatay dhiiranaan iyo raja ah in shaqadooda caalamka laga ogaado.
Balse sida ka muuqatay gabdhahan ma aysan helin taageero ku fillan.
Xirfaddana dabcan fursadeeda naadir ayay tahay, waase mid ay jecleysteen oo ay ka go’antahay in ay sii wadaan.
Waa go’aan aan fududeyn maadaama gabdhaha aan kula kulmay bandhiggan ay ahaayeen gabdho waxbartay, balse ay ka go’antahay in xirfaddan ay sii wadaan, taana ma’aha mid fudud, waa mid u baahan dhabar-adeyg iyo samir.
Gabdhaha dharka loo xayeysiiyo
Bandankood waxa ay noo sheegeen in naqshadaynta ay ku dhalatay kaddib markii ay heli waayeen dhar asturan oo iyaga anfaca.
Xikmadda waxa ay tahay in ay dumarka helaan dhar carsi ah, naqshadihii ugu dambeeyay loo farsameeyay, haddane asturan.
Dadka dharka loo xayeysiiyo ayaanan haysan suuq wanaagsan oo ay ku soo bandhigaan naqshadahooda, taana waxa ay saameysaa gabdhaha xayeeysiinta sameeya.
Badankood waxa ay naqshadadaha ay dharka ka sameeyaan ka soo guuriyaan shirkado caalami ah oo ku iibiya baraha bulshada. Iyada oo awalba dadku u arkayeen in ay ku yartahay curintta naqshadaha dharka.
Gabdhahan ayaa macaamil ka samaystay dunida dacaladaheeda , taa oo ay u suura gelisay baraha bulshada, balse waxaa jira dad ka cabto dharka ay ka iibsashadan, iyagoo sheegay in mararka qaar loo keeno kuwa aysan jaclaysan.
Shirkadaha soo saara dharka ayaa waxa ay ku dhaliilaan inaysan baahida gabadh Muslim-ka ah aysan kaafini karin.
Bulshada sida ay u arkaan
Bulshada Soomaaliyeed ayaa arrintan u arka mid meela kale keenay oo dhaqanka wax u dhimaya.
Waxaa dhacda in waalidiinta qaarkood aysan u ogolaan in gabdhahood ay xayeeysiin sameeyaan.
Caqabadaha kuma eka waalidka oo keliye, balse sidoo kale mahelaan shirkaddo can oo ay xayeeysiin u sameeyaan magacna ay ka dhaxlaan.
Balse gabdhahan ayaa ku adkeysanaya caqabad walbo oo jirta in aysan ka hor istaageeynin riyadooda.
Waxaa waayadii dambe sidoo kale shaqadan xayeysiinta dharka ku soo badanayey wiilal Soomaaliyeed oo xayeysiiya dharka taa ah mid aysan dhaliyarada Soomaalida aysan u badnayn.
Waxaa jira gabdho da’a oo ku soo biira xirfaddan, iyadoo ay jiraan carqalada badan oo ay weli wajahayaan kuwii ka horreeyey.
Sihaam Jamaal, oo 14 sanno ah waxa ayna ka qaybgashay bandhigan dhawaan lagu qabtay magaalada Nairo ee dalka Kenya.











