Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howl gal qorsheysan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa ay ku soo qabteen xubin ka tirsan Al-Shabaab.
Sida lagu baahiyay barta Twitter-ka ee NISA waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay khabiir dhanka Qaraxyada ah oo Al-Shabaab ka tirsan.
Howlgalka ayaa la sheegay...
Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay u soo noqday hoggaamiyihii ururka Xisbul Islaam, laakiin markii danbe ku biiray Ururka Al-shabaab, islamarkaan dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ku jira gacanta dowladda Soomaaliya, ayaa fariin uu soo diray uga hadlay kiiska dilkii Axmed Muktaar Saalax.
Xassan Daahir ayaa sheegay in markii uu...
Canada ayaa jinsiyada kala noqotay hoggaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi, kaddib markii Xildhibaannada labada aqal ee dalkaas ay isku raaceen in ay muwaadinimo sharafeedka kala laabtaan haweeneyda.
Sannadkii 2007 ayay Canada jinsiyad maamuuseed siisay Suu Kyi, waxayna ka mid tahay lix ruux oo lagu maamuusay,waxa ugu weyn ee...
Ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa sheegay howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose in lugu dilay 12 dagaallame oo u ku jiro sarkaal ajanabi ah oo ka soo jeeda dalka Afghanistan,sida ay baahisay warbaahinta afka dowladda ku hadasha.
Sarkaalka ajanabiga ah ee ciidamadda ay weerarka ku dileen waxaa magaciisa lugu sheegay...
Ciidamadda amniga Puntland ayaa howlgallo ka wada inta badan magaalooyinka waa weyn ee maamulka,sida laga soo xigtay saraakiisha.
Howlgallada ugu ballaaran ayaa saddexdii habeen ee u dambeysay ay ciidamadda ka fulinayeen magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso,halka oo toddobadyadii u dambeyay ay ka dhacayeen dilal.
Illaa saddex ruux ayaa siyaabo kala duwan...
Diyaarad xamuul ayaa ku dhacday badda dalka Micronesia, sida ay sheegeen masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Chuuk International Airport.
Sawirro laga qaaday ayaa muujinaya diyaaradda shirkadda Air Niugini oo ku jirta biyaha badda, diyaaradaas waxaa laga leeyahay dalka Papua New Guinea.
Soddon iyo shan ruux oo rakaab ahayd iyo 12 ruux oo...
Guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah u yeeray wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada militariga inay horyimaadaan golaha , si su’aalo looga waydiiyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dilal ee magaalada Muqdisho oo ay gaysteen ciidamadda dowladda.
Xoghayaha Guddiga difaaca Golaha Shacabka Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa sheegay inay madaxda...
Midowga Yurub ayaa dhawaan deeq ahaan u siinaya dowladda Soomaaliya 100 milyan oo Euro, waa lacagtii u horreeysay oo ururka uu siinayo dal deymo lugu leeyahay,sida u xaqiijiyay wasiirka maaliyadda Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wuxuu inta ku daray lacagtan in lugu kabayo dhaqaalaha dalka, gaar ahaana mushaaradka iyo fulinta adeegyadda...
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa soo saartay xeer heer wasiir ah oo wax ka badalaya shuruucda gaadiidka, kaas oo ka kooban 24 qodob ayaa waxaa ku dhaqmi doona gaadiidleeyda inta laga soo saarayo sharciyadii uu hore u lahaa gaadiidka dalka.
"Xeerkaan muhiimad gaar ah ayuu leeyahay, marka hay’adaha...
Xukuumadda Kosovo ee Koonfur-bari Yurub ayaa sheegtay inay diyaar u tahay xiriir diblomaasiyadeed oo ay la yeelato Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Kosovo,Behgjet Pacolli ayaa sheegay dalkiisa inay Soomaaliya ay ku leedahay abaal weyn taas badalkeedana ay Kosovo diyaar u tahay in ay abaalkaasi guddo.
Pacolli oo magaalada New York kulan gaar...


















