Xisbiyada Siyaasada Dalka oo Wasaarada Arrimaha Gudaha Ku Wareejiyey Aragtidooda ku Aadan Hindisaha Xeerka Doorashooyinka.

0
143

In Muda Ah Waxaa Shir Uga Socdey Magaalada Muqdisho Xisbiyada Siyaasada Dalka iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dib U Heshiinta Iyagoo Ka Doodayey Xeerka Doorashooyinka Kaas oo Axsaabtu Si Gaar ah uga Doodayeen Mudo 5 Shan Cisho Ah Waxeyna Madaxda Xisbiyadu U Mahad Celiyeen Madaxda Wasaarada sidii ay Hawshaas Ula Wadaageen una Marti Geliyeen Ugu Dabeyntii Maanta Ayaa Waxaa Lagu Wariiyey Nuqul Qoaraal ay diyaariyeen Xisbiyadu Wasiiru Dawlaha Wasaarada Cabdullaahi Faarax Weheliye.

Xiriiriyaha Axsaabta Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux oo Goobta Wareejinta Hadal Ka Jeediyey Ayaa Sheegay In aragtida Xisbiyada uu Daba Dhigayo In ay Qalad Tahey In Xildhibaanada Barlamaanka Soo Gelaya aan La Weydiin wax Lacag ah haese Yeeshee wixii Lacag ah Xisbiga Lagu Xiro Si Looga Badbaado Haadaanta Qaranku kusii Dhacayo,iyo Shaqada Qaranka ee Muwaadinka La Weydiiyo oo Noqoneysa Bilawga Laaluush wax u Muuqda.

Waana Kuwan Hoos ku Qoran Talooyinkii Xisbiyadu Soo Jeediyeen ee Aqriso.