Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyey golihiisa wasiiradda, waxaanu xilkii ka qaaday wasiirkii Maaliyada Yuusuf Maxamed, halka wasiirkii arrimaha dibada Sacad Cali Shire u magacaabay wasaarada maaliyadda.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyey golihiisa wasiiradda, waxaanu xilkii ka qaaday wasiirkii Maaliyada Yuusuf Maxamed, halka wasiirkii arrimaha dibada Sacad Cali Shire u magacaabay wasaarada maaliyadda.
Sidoo kale, wasiirkii waxbarashada Yaasiin Farotoon waxa uu ka dhigay wasiirka Arrimaha Dibadda.
Masuuliyiintan uu magacaabay iyo kuwo uu isku bedelay waxay kala yihiin:
1.wasiirka arrimaha Dibadda waxa loo magacaabay Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir farotoon.
2. wasiirka Maaliyada waxa loo magacaabay Dr:Sacad Cali Shire.
3. wasiirka waxbarashada waxa laga dhigay Cismaan Jaamac Aadan Iimaan.
4. wasiir ku xigeenka maaliyadda waxa laga dhigay Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) oo hore u ahaa wasiir ku xigeenka waxbarashadda.
5. Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa loo bedelay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
6. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.
7. Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
8. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
9. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa laga dhigay xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.
10. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska waxa isna loo magacaabay xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka
Si kastaba ha ahaatee, waxay dadku aad u hadal hayaan wasiirka Maaliyada Sacad Cali Shire iyo wasiirka Arrimaha Dibada Yaasiin Farotoon oo lagu dhaliili jirey wasaaradaha ay joogeen.











